Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, ahna Guddoomiyaha Guddida Heer Qaran ee Gurmadka Abaaraha, ayaa maanta shir-gudoominayey kulankii ugu horreeyey

0
13
๐†๐ฎ๐๐๐ข๐๐š ๐‡๐ž๐ž๐ซ ๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐†๐ฎ๐ซ๐ฆ๐š๐๐ค๐š ๐€๐›๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐€๐ฒ๐š๐š ๐Œ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐˜๐ž๐ž๐ฌ๐ก๐š๐ฒ ๐Š๐ฎ๐ฅ๐š๐ง๐ค๐จ๐จ๐๐ข๐ข ๐Š๐จ๐จ๐ฐ๐š๐š๐ .
Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, ahna Guddoomiyaha Guddida Heer Qaran ee Gurmadka Abaaraha, ayaa maanta shir-gudoominayey kulankii ugu horreeyey ee ay yeeshaan Xubnaha Guddida uu shalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland u magacaabay wax ka qabashada xaaladaha Abaaraha dalka oo dhan.
Madaxweyne ku-xigeenka JSL waxa uu Xubnaha Guddida u sheegay in kulankani uu yahay bar-bilowga rasmiga ah ee gudashada masuuliyadaha iyo waajibaadka Guddida loo xil saaray, taasoo ah isku-dubbaridka iyo gaadhsiinta gargaarka degdegga ah sida biyaha, cuntada, iyo daawooyinka bulshada reer Somaliland ee Abaaraha ku tabaaloobay.
Qodobbada muhiimka ah ee lagaga wada hadlay kulankan 1-aad waxa ka mid ahaa:
1. Dhammaystirka qaab-dhismeedka Guddida Heer Qaran ee Gurmadka Abaaraha
2. Samaynta guddiyada Gurmadka Abaaraha ee heer Gobol iyo heer Degmo (Gobollada dalka oo dhan)
3. La socodka xogaha maalinlaha ah ee xaaladaha Abaaraha dalka oo dhan
4. Samaynta Guddi-hoosaadyo Farsamo oo la shaqeeya Guddida Abaaraha ee Heer Qaran.
5. Dejinta hannaanka loo ururinayo, loona maamulayo lacagaha qaadhaanka iyo deeqaha ah, oo ay ugu mudan yihiin Ganacsatada, Qurbe-jooga iyo Dadweynaha reer Somaliland.
6. Joogtaynta kullannada maalinlaha ah ee ay Guddidu kaga arrinsanayaan socodsiinta hawlaha baaxadda leh ee Gurmadka Abaaraha.
๐€๐‹๐‹๐€๐€ ๐Œ๐€๐‡๐€๐ƒ ๐‹๐„๐‡
๐—๐ฎ๐ฌ๐ž๐ž๐ง ๐€๐š๐๐š๐ง ๐‚๐ข๐ ๐ž (๐ƒ๐ž๐ฒ๐ซ)
๐€๐Ÿ๐ก๐š๐ฒ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐.