Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa maanta kulan aqoon-korodhsi ah u furay Agaasimayaasha Guud ee Waasaradaha iyo Agaasime waaxeedyada Maamulka iyo Lacagta ee Wasaaradaha Dawlada.

0
9
Madaxweyne ku-xigeenka JSL oo kulan aqoon-korodhsi ah u furay Agaasimayaasha Guud iyo Agaasimo Waaxeedyada Maamulka iyo Lacagta ee Wasaaradaha Dalka .
Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa maanta kulan aqoon-korodhsi ah u furay Agaasimayaasha Guud ee Waasaradaha iyo Agaasime waaxeedyada Maamulka iyo Lacagta ee Wasaaradaha Dawlada.
Kulankan waxa soo agaasimay Xafiiska Hanti Dhawraha Guud ee Qaranka ayaa ujeedadiisu ahayd tayaynta shaqada ka dhaxaysa Hanti Dhawrka Guud iyo Wasaaradaha, iyada oo laga duulayo in kor loo qaado nidaamka isla Xisaabtanka, Daah-furnaanta iyo baadhisaha Wasaaradaha dawlada.
Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi oo kulankaasi furay ayaa si weyn ugu dheeraday qorshaha Xukuumadda ee ku aaddan la dagaalanka musuqa iyo wax is daba-marint, waxana yidhi:
“ Agaasimayaasha guud waa laf dhabarta Wasaaradaha, waxaana mihiim ah in umadda loogu shaqeeyo si hufan. Aniga iyo Madaxweynuhu kitaabka Qur’aanka Kariimka ah ayaanu ku dhaaranay, waa naga dhab oo waxa naga go’an in aan la dagaalano musuq-maasuqa iyo maamul xumada, imikaba sidaasi ha loo ogaado! Qofka ay arimahaasi ku caddaadaana sharciga ayaa la marin doona.
Agaasimaha Guud iyo Agaasime Waaxeedyada Maamulka iyo Lacagta waxa aan u sheegayaa in si adag la idiinkala xisaabtami doono sida aad ummada ugu shaqaysaan.”
𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇
𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫),
𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝