Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Oo Ka Qayb-galay Xuska Maalinta Haween Weynaha Ee 8 March + Sawiro

0
600

Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Oo Ka Qayb-galay Xuska Maalinta Haween Weynaha Ee 8 March.

 

 

Hargeysa-09-03-2019-(MT-JSL)-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta ka qayb-galay xuska maalinta caalamiga ah ee haween-weynaha  8March oo lagu qabtay magaaladda Hargeysa.

 

Waxaana munaasibadaasi ka soo qaybgalay masuuliyiin kala duwan, oo ay ka mid ahaayeen wasiirada wasaaraddaha dhalinyarada Boos Mire Maxamed iyo ciyaaraha, Shaqo gelinta arrimaha bulshada iyo qoyska, Hinda Jaamac Xirsi oo iyadu halkaasi ka jeedisay hadal ayaa sheegtay in haweenka Somaliland ay ku talaabsadeen horumar muuqda islamarkaana waxa ay door-weyn ka ciyaaraan ilaalinta iyo wadajirka bulshada reer Somaliland.

 

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo isagu soo xidhay munaasibada xuska 8march ayaa haween weynaha reer Somaliland ku hambalyeeyay munaasibadda 8 March, waxaanu ugu baaqay Haweenku inay ka qayb qaataan sidii meel looga soo wada jeesan lahaa ilaalinta qarannimada Somaliland.