Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Oo Ka Qeybgalay  Mashruuca Balaadhinta Iyo Horumarinta Ee Berbera Urban Development oo ku kacaya 7.5 milyan + Sawiro

0
502

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Oo Ka Qeybgalay  Mashruuca Balaadhinta Iyo Horumarinta Ee Berbera Urban Development oo ku kacaya 7.5 milyan

 

Berbera-30-01-2020-(MT-JSL)-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi ismaaciil (Saylici) iyo Wafti Balaadhan oo uu hoggaaminayo ayaa gaadhay Magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil, halkaasi oo waftiga Madaxweyne ku xigeenka si balaadhan loogu soo dhaweeyey.

 

Madaxweyne ku xigeenka ayaa ka qeyb galay munaasibad ay soo agaasintay Dawladda hoose ee Degmada Berbera taasi oo lagu daahfuraayey Mashruuca Berbera Urban Development oo ay maalgelinayaan Midowga Yurub islamarkaana loogu talogalay hannaanka bilicda horumarinta Magaalada Berbera, sidoo kalena waxaa isna madasha goob joog ka ahaa Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Soomaliya Mr. Nicolás Berlanga Martinez.

 

Wa bilaahi tawfiiq