Madaxweyne Muuse Biixi Oo Fariimo u kala diray Madaxda Geeska Afrika una mahadnaqay shacbigii tirada banda ee ku soo Dhaweeyey Magaalada Burco

0
683

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Fariimo u kala diray Madaxda Geeska Afrika una mahadnaqay shacbigii tirada banda ee ku soo Dhaweeyey Magaalada Burco

Burco-20-11-2018-(MT-JSL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo  oo maalmahanba safar shaqo ku jirey, ayaa si baaxad leh loogu soo dhaweeyey gudaha magaalo-madaxda gobolka Togdheer ee Burco iyo magaalooyinka dhinaca galbeed kaga teedsan.

Madaxweynaha iyo weftigiisa oo saaka hiirtii hore ka kallahay magaalada Berbera, ayaa soo dhaweyn aan kala hadh lahayn kala kulmay shacabka ku dhaqan tuulooyinka iyo magaalooyinka u dhexeeya Berbera iyo Burco, kuwaas oo caleemo qoyan iyo calanka Jamhuuriyadda Somaliland ku soo dhaweynayey madaxweynaha iyo weftigiisa.

Shacab-weynaha ku dhaqan magaalada Burco oo ay hormood u yihiin maamulka heer gobol iyo heer degmo, xildhibaanno, madaxda dhaqanka qaybaheeda kala duwan, haween-weyne tiro badan, dhallinyarada gobolka, aqoonyahanka, siyaasiyiinta iyo haldoorka gobolka Togdheer, ayaa soo dhaweyn baaxad leh  ku qaabilay madaxweynaha iyo weftigiisa, kuwaas oo safaf dhaadheer kaga jirey duleedka galbeed Burco iyo waddooyinka  halbowlaha ah ee magaalada dhex mara, isla markaana astaanta calanka Jamhuuriyadda Somaliland iyo caleemo qoyan lulaya.

Guddoomiyaha gobolka Togdheer, Mudane Xamse  Maxamed Cabdi, duqa degmada Burco, Mudane  Maxamed Yuusuf Cabdiraxmaan,  Wasiirrada wasaaradaha Arrimaha gudaha iyo caafimaadka,  Maxamed Kaahin Axmed iyo Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf iyo xubno kale oo halkaas ka hadlay, ayaa bulshada bulshada reer Burco ku bogaadiyey sida asluubaysan ee ay madaxweynaha iyo weftigiisa usoo dhaween.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo shacabka reer Burco ee soo dhaweeyey khudbad dhinacyo badan taabanaysa u jeediyey, ayaa ugu horrayn ka mahadceliyey sida milgaha leh ee loo soo dhaweeyey, waxana uu ku ammaanay sida isku duubnida iyo wada-jirka ah ee ay usoo dhaweeyeen.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay inuu axsaabta qaranka iyo guud ahaanba bulshada reer Somaliland dhex u yahay, kala duwanaanshaha afkaarta ee axsaabta dhexdooduna aanu ahayn mid turxaani ku jirto, “Waxa aynnu leenahay saddex xisbi oo ra’yigoodu kala duwan yahay oo haddana dalka wada leh oo dalka wada leh oo wada maamulaya, ceebna ma aha inay xisbiyadu kala duwanaadaan, waxa ceeb ah inaynnu qaranka wada dhisi weynno innaga oo xisbiyo ah, waxa ceeb ah inaynnu qaranka u wada guntan weynno, laakiin inaynnu kala ra’yi duwanaannaa waa maslaxadda dalka oo talada kala duwan baynnu ku dhismaynaa, waxana aynnu nahay ummad kala duwan oo haddana mid ah, maantana anigu markaan halkan Joogo waxan xidhanahay koofiyaddii qaranka labada xisbi ee kale iyo KULMIYE iyo dadka oo dhanna waan u simanahay oo madaxweynahoodii baan ahay, mid walibana xaq buu igu leeyahay, aniguna mid walba xaq baan ku leeyahay,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu sharraxay mashaariicda horumarineed ee  xukuumaddu ka fulisay deegaannada gobolka Togdheer, waxana uu sheegay inay xukuumaddu sanadkan kor u qaadday tirada shaqaalaha gobolka, waxana uu yidhi, “Baankii Aroori oo mashruuc weyn ahaa wuu inoo dhammaaday, 80,000 (Siddeetan kun) oo neef baana daaqa ka baxaya cuni doona, waana  20,000 (labaatan kun) oo higtar oo inoo keydsan oo aynnu wada leenahay oo la wada daaqayo, kuwaas iyo kuwo kalena waynnu u baahannahay. Inkasta oo ay dawladdu bilow tahay waxa ay shaqaalihii hore  oo ahaa 1770 (Kun iyo toddoba boqol iyo toddobaatan) maanta ku kordhinaynaa  516 shaqaale cusub ah.”

Madaxweynuhu waxa uu bulshada la wadaagay qaar kamid ah caqabadaha ugu waaweyn ee hor taagan horumarka bulshada iyo daboollida baahiyaha aasaasiga ah ee bulshada, isaga oo caddeeyey in xallinta khilaafaadka shacabka dhexdiisa ahi yahay ibo-furka horumarka, “Carqaladaha ina hor taagan waxa kamid ah khilaafka dhexdeenna ah inaynnu gudaheenna ka daminno, ummad baynnu nahay oo waa la is khilaafayaa oo xisbiyadaa is khilaafaya oo deegaannadaa is khilaafaya,  waxase aynnu jiraynaa oo  wax qabsanaynaa marka aynnu khilaafkeenna ka dhiganno mid qoys, haddaanu xisbiyada nahay oo aanu qaylo badannahayna waannu joojinaynaa, haddaannu joojin weynnona idinkaa na qabanaya, waayo idinkaa na doortay, annaguna dalka nabad mooyaane u horseedi maynno khalkhal,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu sharraxay dhibaatada ay qaranka ku hayso isku dhaca  beeluhu iyo sida ay dhiig-baxa ugu tahay dhammaystirka baahiyaha aasaasiga ah, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Maalin walba ku noolaan kari maynno oday daalay oo suldaan ah, sheikh caalim ah, dawladdii iyo dadkii oo dhammi inay noqdaan wax laga nixiyo, wax gurmanaya oo la maqli waayo iyo wax is laynaya oo la kala qaban kari waayo, qabaa’ilkii iyo reerihiina dhibaatadaasaa inaga haysata, dhammaanteenna waa inaynnu gacmaha isu qabsanaa inaynu ka hor tagno dagaalka qabaa’ilka ah ee aan waxba ku dhisnayn. Iskuulka aynnu doonayno, biyaha aynnu doonaynno, waddada aynnu doonayno iyo jaamacadda aynnu doonayno dhaqaalaheedii waxa uu ku baxay gurmad iyo kala qabtaay.”

Ugu dambayntii madaxweynuhu waxa uu si adag uga falceliyey gardarrada maamulka Muqdisho ku waddo Somaliland, waxana uu hoosta ka xarriiqay inaanay  bulshada reer Somaliland marnaba qaadan doonin wax ay u yeedhiyaan shakhsiyaad si gaar ah isugu bahaystay,“Ma nihin dad loo taliyo oo uu nin kale waxooda metelaayo, malaha waanad ogayn wixii dalka ka dhacay, kumaa-kunkii diyaaradaha lagu laayey, kuwii aqalladu ku dumeen, kuwii buuraha lagu laayey iyaga oo aan waxba galabsan iyo ummulihii la dooxay iyo dhallinyaradii boqol boqolka la isugu xidhayey ee qaar iyaga oo nool la gubay, dadka Somaliland-na waxa aan leeyahay dhexda waxaynnu u xidhanaynaa inaan la inagu cabsiin cid baa midoobaysa iyo niman faq-faqa, iyada oo aan innaga la ina arkaynin,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Wa-bilaahi tawfiiq