Wararka
Newsroom
News, statements and press releases from the Office of the President of the Republic of Somaliland.
-

WAREEGTO MADAXWEYNE-07-07-2022. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summaddeedu tahay JSL/XM/WM/222-900/072022, uu Cafis Guud u fidiyey Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Wareegto Madaxweyne Cafis Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqraddiisa 5aad; Markaan Arkay: Qoraalka Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta ee summaddeedu tahay TCA/G-1/149/2022, kuna taariikhaysan 06/07/2022, ujeeddadiisuna tahay Soo-gudbin Liisaska Maxaabiista Cafiska galaya Sannadkan 2022-ka; Markaan Arkay: Qoraalka Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee summaddeedu tahay XIG/JSL/436/2022, kuna taariikhaysan 06/07/2022 u jeeddadiisuna tahay soo jeedin cafis guud; Markaan La-tashaday: Hay’adaha Ay Khusayso; Waxaan Go’aansaday; In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada Dalka ku xidhan, munaasibadda Ciiddul Adxa awgeed, oo tiradoodu dhan tahay 546 (Shan Boqol iyo Lix iyo Afartan) maxbuus. Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaya dembiyada ay ku xukunnaayeen. Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista ee halkan ku lifaaqan. ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.
WAREEGTO MADAXWEYNE-07-07-2022. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summaddeedu tahay JSL/XM/WM/222-900/072022, uu Cafis Guud u fidiyey Maxaabiista dembiyada fudud ku…
-

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Xalay Qasriga Madaxtooyada Kulan Casho Sharaf Ah Ugu Sameeyey Weftigii Itoobiya Ka Socday.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Xalay Qasriga Madaxtooyada Kulan Casho Sharaf Ah Ugu Sameeyey Weftigii Itoobiya Ka Socday. Hargeysa-07-07-2022-(MT-JSL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa…
-

Kulankii Koowaad Ee Wada-Hadallada Madaxweynaha Iyo Hoggaanka Axsaabta Mucaaridka Oo Si Rasmi Ah Maanta U Bilaabmay + Sawiro
Kulankii Koowaad Ee Wada-Hadallada Madaxweynaha Iyo Hoggaanka Axsaabta Mucaaridka Oo Si Rasmi Ah Maanta U Bilaabmay. Hargeysa-06-07-2022-(MT-JSL)-Waxa maanta qasriga madaxtoooyada Jamhuuriyadda Somaliland ka bilaabmay kulankii…
-

Somaliland: President Receives Mediation Delegation at the Presidency
His Excellency, the President of the Republic of Somaliland, Muse Bihi Abdi, yesterday received at the presidential complex a voluntary mediation delegation led by the Speaker…
-

Go’aammo Laga Soo Saaray Kulan Maanta Dhex Maray Madaxweynaha JSL Iyo Ergedii Is Xilqaantay Oo Uu Hoggaaminayey Gudoomiyaha Guurtidu. Hargeysa-05-07-2022-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta qaabilay xubnaha ergeda is xilqaantay ee dhexdhexaadinta ee ay hoggaaminayo Gudoomiyaha golaha guurtidu. Kulankan oo ay madaxweynaha ku wehelinayeen xubnaha qaranka ugu sarreeya oo ay kamid yihiin madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), guddoomiyaha golaha guurtida, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, guddoomiyaha maxkamadda sare, Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, guddoomiyaha golaha wakiillada, Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed iyo xubnaha ergeda is xilqaantay, ayaa diiradda lagu saaray sidii Meesha looga saari lahaa buuqa iyo khilaafka siyaasiga ah, loona daaweyn lahaa tabashada ay mucaarudku qabaan. Ugu horrayn madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ergeda is xilqaantay soo dhaweeyey, waxana uu muujiyey in masuuliyadda qaran ee uu hayo iyo damiirkiisuba farayaan inuu danta qaranka ka shaqeeyo, kuna dheggenaado xeerarka iyo shuruucda dalka, maaddaama oo uu yahay ilaaliyaha Dastuurka Dalka, islamarkaana uu diyaar u yahay inuu dhinaciisa xadhigga debciyo oo uu muhiimad siiyo wax kasta oo dhinacyada siyaasadda isku hayaa isugu soo dhawaan karaan. Guddoomiyaha golaha guurtida, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa ugu horrayn madaxweynaha Qaranka ka codsaday inuu sii daayo xubnihii mucaaridka ahaa ee lagu xidhxidhay rabshadihii mudaharaadkii dhawaan Hargeysa ka dhacay, taas oo uu madaxweynuhu si masuuliyad leh u aqbalay. Dood iyo wada-hadal dheer oo saacado socday kaddib, waxa la isla qaatay labadan qodob oo ibo-fur u ah in is faham buuxa la gaadho, lana abuuro jawi isu soo dhawaansho iyo heshiis horseedi kara, kuwaas oo kala ah: • In lasii daayo dhammaanba xubnihii mucaaridka ahaa ee xidhnaa, sii dayntoodana loo maro nidaamka sharci ee dalka u dejisan, taas oo ah inay xeer ilaalinta iyo Boolisku ka laabtaan eeddii xubnahaas loo haystay, si ay maxkamadda gobolka Maroodi-Jeex xorriyaddoodii ugu celiso, kol haddii ay eeddii la noqdeen hay’adihii ku shaqada lahaa, taas oo isla maantaba bilaabantay, lana sii daayey. • In guddoomiyaha golaha guurtidu oo hoggaaminaya xubnaha ergeda ahi ay maalinta berri ah isu keenaan madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo hoggaanka madaxda labada xisbi mucaarid ee UCID iyo WADDANI, si wada-hadalkii rasmiga ahaa ee gogosheeda madaxweynuhu fidiyey u bilaabmaan. Ugu dambayn markii shirkaasi soo dhamaaday waxa Afka ergeda ku hadlay, Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Ducaale oo madaxweynaha ugaga mahadnaqay sida milgaha leh ee uu u qaabilay maalintii labaad iyo sida xilkasnimada leh ee uu u aqbalay soo jeedimihii dhinacooda ka yimi, isagoo soo bogaadiyey qodobada ka soo baxay shirkaa maanta. ALLAA MAHAD LEH Naasir Yuusuf Daahir Agaasimaha Saxaafadda iyo Warbaahinta Madaxtooyada JSL
Go’aammo Laga Soo Saaray Kulan Maanta Dhex Maray Madaxweynaha JSL Iyo Ergedii Is Xilqaantay Oo Uu Hoggaaminayey Gudoomiyaha Guurtidu. Hargeysa-05-07-2022-(MT-JSL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi…
-

Somaliland: National Electoral Commission Members Sworn In Before the President
The Chief Justice of the Supreme Court of the Republic of Somaliland, Adan Haji Ali Ahmed, yesterday swore in before the President the four members of…
-

أعضاء لجنة الانتخابات يؤدون اليمين الدستورية أمام الرئيس
أدى أعضاء اللجنة العليا للانتخابات؛ الذين تم تعيينهم مؤخراً وتصديقهم من قبل البرلمان؛ اليمين الدستورية أمام رئيس الجمهورية فخامة موسى بيحي عبدي ورئيس المحكمة الدستورية…
-

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Ayaa Hortiisa Lagu Dhaariyey Afar Xubnood Oo Ka Mida Komishanka Cusub Ee Doorashooyinka Qaranka + Sawiro
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Ayaa Hortiisa Lagu Dhaariyey Afar Xubnood Oo Ka Mida Komishanka Cusub Ee Doorashooyinka Qaranka. Hargeysa-04-07-2022-(MT-JSL)-Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, Garyaqaan Aadan…
-

المجلس الوزاري يناقش بعض الأمور المهمة منها خطة لتنمية المجتمع
30/6/2022م هرجيسا في جلسة مجلس الوزراء تراسه رئيس الجمهورية فخامة موسى بيحي عبدي ناقش اعضاء المجلس مواضيع مهمة تتعلق بحالة العامة للوطن والحالة المعيشية العامة…



