Shacabka reer Dila oo Soo Dhaweyn diirran ku qaabilay Weftigii uu hoggaaminayey Madaxweynaha Qaranka Somaliland.

0
29

Shacabka reer Dila oo Soo Dhaweyn diirran ku qaabilay Weftigii uu hoggaaminayey Madaxweynaha Qaranka Somaliland.

 

Dila:31/08/2024-(MT-JSL)-Bulshada ku dhaqan Degmada Dila ee gobolka Awdal, ayaa maanta si ballaadhan usoo dhaweysay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo oo safar shaqo saaka ugu baxay Gobolka Awdal.

 

Shacabka reer Dila oo ay hormuud u yihiin hoggaanka dhaqanka, madaxda gobolka Awdal iyo kuwa degmada Dila, islamarkaana lulaya caleemo qoyan iyo calanka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa madaxweynaha iyo weftigiisa kaga hortegay fardo iyo farxad. ayaa iyaga oo safaf dhaadheer taagan madaxweynaha u gelbiyey goobta caanka ah ee geedka Dila ee fagaaraha u ah degmadaasi, kaas oo ay isugu yimaadaan madaxda dhaqanka, waxgaradka, haldoorka, haweenka iyo dhalinyarada degmada.

 

 

Madaxweynaha qaranka, ayaa mid mid u gacan qaaday madaxdii dhaqanka iyo qaar kamid ah dadweynihii soo dhaweyntiisa waddada u taagnaa, waxana uu la lugeeyey masaafo dheer.

 

Duqa degmada Dila, Mudane Aadan Xuseen Sidci, guddoomiyaha gobolka Awdal, Gudoomiyaha Gobolka Awdal Mudane Xasan Daahir Xadi ( Xasan Ciid ), Xildhibaanada oo uu u hadlay deegaanka, Xil Bashiir Xuseen Xirsi, madaxda dhaqanka oo ay u hadleen Caaqil Ibraahim Guuleed Ismaaciil iyo oday Xaamud Cismaan Qawdhan, ayaa soo dhaweeyey madaxweynaha iyo weftigiisa, waxana ay si isku mid ah u sheegeen inay shacab ahaan si weyn u taageersan yihiin madaxweynaha qaranka iyo siyaasaddiisa, maalmaha doorashadana codkooda oo badhax-tiran siin doonaan.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa goobta ka jeediyey, ayaa shacabka ku dhaqan guud ahaanba degmada Dila, uga mahad celiyey sida meeqaamka sare ah ee ay usoo dhaweeyeen, waxana uu sharraxay muhiimadda ay Dili qaranka u leeyahay iyo sida ka tusaalaha wanaagsan ee ilbaxnimada ah ugu yihiin guud ahaan Somaliland.

 

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu shacabka Dila u sheegay inay ka go’an tahay qabashada doorashooyinku, si loo ilaaliyo midnimada ummadda, qaranka difaaciisuna yahay waajib cid kasta saaran.

Wa-bilaahi Tawfiiq