Tacsi: Madaxweynaha oo shacbiga reer Somaliland iyo qoyskii uu ka baxay Marxuum Cabdilaahi Xaashi Cigaal tacsi u diray

0
538

TACSI MADAXWEYNE:13/06/2018

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Hargeysa(MT-JSL)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay  Alle ha u naxariistee  Marxuum Cabdilaahi Xaashi Cigaal (Sigad) oo ku geeriyooday caawa oo ay taariikhdu tahay 13/06/2018, magaalada Hargeysa.

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey tiirka baxay odayaasha mudanta ah ee gobolka Maroodi-jeex, kana soo shaqeeyey dib u dhiskii dalka iyo nabadayntii shacbiga Somaliland.

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

Aamiin Aamiin Aamiin

 Maxamuud Warsame Jaamac

Afhayeenka Madaxweynaha JSL.