Weftigii uu hoggaaminayey Madaxweynaha Qaranka Somaliland oo Soo Dhaweyn Ballaadhan kala Kulmay Shacbi Weynaha Caasimada Awdal ee Boorama.

0
22

Weftigii uu hoggaaminayey Madaxweynaha Qaranka Somaliland oo Soo Dhaweyn Ballaadhan kala Kulmay Shacbi Weynaha Caasimada Awdal ee Boorama.

 

Boorama:31-08-2024-()-Bulsho weynta caasimada Gobolka Awdal ee Boorama ku dhaqan ayaa maanta wacdaro la yaableh ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey ee saaka safarka shaqo ugu baxay Gobolka Awdal.

 

Madaxweynaha iyo weftigiisa oo Dila ilaa Boorama Shacabka reer Awdal ay u tubnaayeen jidadka degmaada hoos yimaada Caasimada Awdal oo ay hormuud u yihiin hoggaanka dhaqanka, madaxda gobolka Awdal, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, haween weynaha, dhalinyarada iyo bulshada qaybeheeda kale, islamarkaana lulaya caleemo qoyan iyo calanka Jamhuuriyadda Somaliland oo uu ku ladhan yahay ka xisbi Xaakimka Kulmiye ayaa Madaxweynaha iyo weftigiisa u taagnaa safaf dhaadheer ilaa laga gaadhayey khayriyada Boorama oo ay ku sugnaayeen bulsho tiro badan oo sugayey weftiga madaxweynaha.

 

 

Madaxweynaha qaranka, ayaa mid mid u gacan qaaday madaxdii dhaqanka iyo qaar kamid ah dadweynihii soo dhaweyntiisa waddada u taagnaa, isagoo marmarka qaarna salaan gacan taag ah bulshada u fidinaayey, waxaanu la lugeeyey masaafo dheer oo badhtamaha magaalada ah ilaa uu ka soo gaadhay barxada khayriyada.

 

Markii la soo gaadhay khayriyada waxa dadweynaha kala hadlay fagaaraha Duqa degmada Boorama, Mudane Mustafe Faarax Qabile, guddoomiyaha gobolka Awdal, Mudane Xasan Daahir Xadi ( Xasan Ciid ), wasiirrada, wasaaradaha Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga, Mudane Siciid Sulub Maxamed, Ganacsiga iyo wershedaha ahna Murashaxa Madaxweyne ku xigeenka Xisbi Xaakimka Kulmiye, Mudane Maxamuud Xasan Sacad (Saajin).  dhinaca kale madaxda dhaqanka oo ay u hadleen Suldaan Cabdiwahab Cige Axmed, Caaqil Daahir Cismaan Cilmi ay si isku mid ah u sheegeen inay shacab ahaan si weyn u taageersan yihiin madaxweynaha qaranka iyo siyaasaddiisa, maalmaha doorashadana codkooda la barbar taagan yihiin.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo khudbad misaan leh u jeediyey, ayaa shacabka ku dhaqan guud ahaanba degmada Dila, uga mahad celiyey sida meeqaamka sare leh ee ay usoo dhaweeyeen, waxana uu sharraxay horumarka ka hana qaaday Gobolka Awdal 33kaa Sanno ee laga joogo wakhtigii ay dhidibada u taageen qaranka Somaliland, maantana ay Boorama hoogsanayso Dubai iyo magaalooyinka horumaray, loona baahan yahay inay halkaa ka sii wadaan.

 

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu shacabka Boorama u sheegay inay ka go’an tahay qabashada doorashooyinku, si loo ilaaliyo midnimada ummadda, Qaranka difaaciisuna yahay waajib cid kasta saran.

Wa-bilaahi Tawfiiq