Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Shacabka Caasimadda Hargeysa Kala Qaybgalay Tukashada Salaad Roob-Doon Ah + Sawiro

0
327

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Shacabka Caasimadda Hargeysa Kala Qaybgalay Tukashada Salaad Roob-Doon Ah.

 

Hargeysa-25-04-2022-(MT-JSL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa bulshada ku dhaqan caasimadda Hargeysa kala qaybgalay tukashada salaad roob-doon ah oo shalay dalka oo dhan laga iclaamiyey, maantana la oogay.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, taliyeyaal ciidan iyo saraakiil kale, ayaa shacabka kala qaybgalay salaad roob-doon ah oo lagu oogay masaajidka Ibraahim-dheere ee magaalada Hargeysa.

Wasiirka wasaaradda Diin iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali Albaani, ayaa bulshada u jeediyey khudbad dheer oo u saabsan iscafinta, Alle bariga iyo midaynta quluubta bulshada, waxana uu ku baaqay inay maalmaha Khayrka leh ee bisha Ramadaan ku camiraan baryada Eebbe, gaar ahaan weydiisashada raxmaadka oo waqtigan dad iyo duunyoba baahi weyn loo qabo.

Wasiirkii hore ee Diinta iyo Awqaafta, sheekh Maxamuud Suufi Muxumed, ayaa isaguna bulshada reer Somaliland ugu duceeyey inuu Eebbe  abaaraha kasoo jebiyo, isaga oo shacabkana ugu baaqay inay toobad-keenka badiyaan.

Wa-bilaahi Tawfiiq