Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Qaabiley Safiirka  Dalka Ingiriiska.

0
212

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Qaabiley Safiirka  Dalka Ingiriiska.

Hargeysa-16-05-2024-(MT-JSL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa qasriga Madaxtooyada ku qaabiley safiirka dalka Ingiriiska Amb Mike Nithavrianakis oo safar shaqo ku yimid Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Kulankan ayaa lagaga wada hadlay qodobbo door ah oo ay ka mid ahaayeen dardargelinta mashaariicaha kala duwan ee ay iska kaashadaan dawladaha Ingiriiska iyo Jamhuuriyadda Somaliland iyo hawlaha qabsoomidda doorashooyinka ee la filayo inay sannadkan qabsoomaan  oo xukuumaddu dedaal badan gelisay. Sidoo kale waxa la wada hadlay xidhiidhka soo jireenka ah ee labada dal u dhexeeya.

 

Madaxweynaha qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa safiirka dawladda ingiriiska uga mahadceliyey, xidhiidhka sida ay muhiimadda u siiso mashaariicda labada dawladood gacanta ku hayaan, safiirkuna dhankiisa waxa uu madaxweynaha uga mahadnaqay hirgelinta Dimuqraaddiyadda iyo horumarka dawladnimo.

 

Kulanka waxa madaxweynaha ku wehelinayey wasiir-ku-xigeenka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, ahna ku-simaha wasiirka, Marwo Rooda Jaamac Cilmi.

 

Dhinaca weftigana waxa ku wehelinaayey safiirka Ingiriiska, masuuliyiinta ugu saraysa Xafiiska Hargeysa uu ku leeyahay Ingriisku oo ay ka mid ahaayeen Ilyas Malek Madaxa Xafiiska Ingiriiska ee Hargeysa, Christina Toepell oo ah ku xigeenka Madaxa xafiiska Hargeysa iyo Khadar Muxumed.

ALLAA MAHAD LEH

 

Naasir Yusuf Daahir

Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada JSL.