Agaasimaha Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland Oo Hugga Dhaxanta Gaadhsiiyey Cusbitaalka TB-da Ee Magaalada Laascaanood. + Sawiro

0
799

Agaasimaha Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland Oo Hugga Dhaxanta Gaadhsiiyey Cusbitaalka TB-da Ee Magaalada Laascaanood

Hargeysa(MT-JSL) Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Maxamed Cali Bile oo safar ku jooga Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa ka qeyb galay Daahfurka  Bandhiga Carwada Buugaagta Laascaanood (Laascaanood Book Fair), sidoo kale waxa uu Agaasimaha Madaxtooyada uu wehelinaayo Badhasaabka Gobolka Sool iyo  Isuduwaha Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Gobolka Sool uu gaadhsiiyey Cusbitaalka TB-da ee Magaalada Laascaanood Bustayaal loogu tallo galay inay cukaanku huwadaan wakhti dhaxameedka.

Waxaa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka Sool, Maamulka Cusbitaalka kuwaasi oo ka mahad celiyey agabkan lasoo gaadhsiiyey, iyagoo xusay inay tahay wakhtigii loo baahnaa oo ah xili dhaxameedkii, waxaana ay Agaasimaha Madaxtooyada uga mahad celiyeen dedaalka uu sameeyey.

Dhanka Kale Agaasimaha Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Maxamed Cali Bile oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in safarka ay ku joogaan Laascaanood ay ujeedadiisu ahay inay ka qeyb galaan Bandhiga Buugaagta Laascaanood, sidoo kalena  uu ku faraxsan yahay  inay agab isugu jira Bustaeyaal soo gaadhsiiyan Cusbitaalka, isagoo tilmaamay inaanay wax badan ahayn balse wax ka tari doonto baahida Cusbitaalka.

Agaasimaha waxaa hadalkiisii ka mid ahaa “Maanta waxaan ku faraxsanahay inaan joogno Cusbitaalkii guud ee Magaalada Laascaanood anniga iyo Badhasaabkii, ku xigeenkii, agaasimaha caafimaadka, wax badan maaha kollayba haddii meel la yimaado wixii la heli karaa laysu soo qaadaa, bushtayaashan waxaan islahaa Cusbitaalka TB  bukaankiisu ay huwadaan wakhtiga dhaxanta waa u baahan yihiin, laakiin safarkayagu guud ahaan wuxuu ahaa inaan ka qeyb galno Carwada buugaagta oo shalay dhacday oo ahayd guul weyn oo taariikhiya oo magaalada Laascaanood iyo gobolka Sool usoo hoyatay”