Maanso La Magac Baxday Anigu Reer Hebel Ka Koray oo uu curiyey Abwaan Cabdiraxmaan Axmed Cumar (Cabdiraxmaan-Haldhis) oo ka mid ah dhalinyaradii Barnaamijka shaqo qaran oo ay hareero taagan yihiin qaar ka mida dhalinyaradaasi

Maansada “Anigu reer hebel ka koray”

 
Waxaanay ka hoos marayn
Haybtaydu ka daadegayn
Kuwaan hanwadaagta nahay
 
Anigu reer hebel ka koray
 
Waxaan halqudhaata nahay
Hiyiga ka midaysannahay
 
Hargaysi nimay dhashiyo
Halyay Boorama ku nool
Burcooy hannadkaaga iyo
Haldoorrada reer Berbera
Ceergaabo xulkay huftiyo
Horseedka Sanaag ku dhaqan
Laascaano raggay habtiyo
Hormuudada Sool ku koray
 
Waxaan halqudhaata nahay
Hiyiga ka midaysannahay
 
Kuwaan la hilmaami karin
Kuwaan la hawaysan karin
Haybadda qarankeenna iyo
Hablaha Soomaalilaan.
 
Muuqaalkan la wadaag asxaabtaada kale.
 
Abwaan Cabdiraxmaan Axmed Cumar (Cabdiraxmaan-Haldhis) oo ka mid ah dhalinyaradii Barnaamijka shaqo qaran oo ay hareero joogaan qaar ka mida dhalinyarada Barnaamijka Shaqo Qaran