Fadhigii Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland Ee Maanta Oo Ay Ka Soo Baxeen Qodobbo Muhiim Ahi + Sawiro

0
902
Fadhigii Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland Ee Maanta Oo Ay Ka Soo Baxeen Qodobbo Muhiim Ahi.
WAR-SAXAAFADEED: 23/07/2020
Fadhigii 61aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ku yeeshay habka Maqalka iyo Muuqaalka (Video Conference) oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) waxa golaha lagaga hadlay xaaladda guud ee waxbaradshada dalka, shaqaalaha aan joogtada ahayn ee ka hawlgala hay’adaha kala duwan ee dawladda, waxa kale oo goluhu dood ka yeeshay xeerka shaqaalaha dawladda iyo siyaasadda qaran ee shaqo abuurka Somaliland.
Ugu horrayn wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska, ayaa golaha warbixin ka siiyey heerka waxbarashada dalku ay marayso iyo sidoo kale himilooyinka waxbarashada ee ku qotoma maamul daadejinta waxbarashada, tayeynta waxbarshada iyo fidinta waxbarshada ee dalka oo dhan. Wasiirku waxa uu xusay in 1,516 (kun, shan boqol iyo lix iyo toban) degsiimo oo ay Somaliland ka kooban tahay 620 (lix boqol iyo labaatan) degsiimo oo u dhigma boqolkiiba afartan (40%) aanay lahayn adeegga waxbarashada ee Aas-aasiga ah waxana uu tilmaamay in saddexda sanno ee soo socda ay wasaaradda u qorshayshan tahay in ay degsiimooyinkaas ku fidiso adeegyada waxbasashada, dhanka kale waxa uu sheegay in ay ku hawlan yihiin daadejinta maamulka waxbarashada guud ahaan dalka oo dhan.
Wasiirku waxa uu xusay in ay ku guda jiraan tayaynta heerarka kala duwan ee waxbarshada isagoo xusay inay bilaabeen tayaynta Jaamacadaha dawliga ah, sidoo kalana ay qorshe u sameeyeen tayaynta Jaamacadaha gaarka loo leeyahay.
Sidoo kale, Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa go’aamiyey dhaqan gelinta go’aamada ay golaha u soo jeediyeen guddi uu hoggaaminayey Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland oo ka koobnayd Toddoba wasiir iyo guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda, kuwaas oo hore loogu xilsaaray inay go’aan kama danbays ah ka soo gaadhaan qaabka loo maaraynayo shaqaalaha ku meel-gaadhka ah ee ka hawlgala hay’adaha kala duwan ee dawladda, qodobadaas oo dhignaa sidan:
1. In tirada Shaqaalaha ku meel-gaadhka ah ee ku jiray warbixintii Hay’adda shaqaaluhu la wadaagtay Golaha wasiirrada oo dhammayd 1,009 (kun iyo sagaal) qof qof kana kooban 19 wasaaradood iyo 9 Hay’adood ay madax-taabasho, qiimayn iyo hubin ku soo samayso soona saarto liis kama danbays ah oo rasmiya.
2. In xubnaha ku soo baxa liiska rasmiga ah ee shaqaalaha ku meel-gaadhka ah loo aqoonsado inay yihiin xubno shaqo carbin (Internship) kula shaqaynaya wasaaradaha iyo hay’adaha ay ka tirsan yihiin sidaasna ku diiwaan-geliso si ku meel-gaadh ah Hay’ada Shaqaalaha Dawladu sanadkan 2020.
3. In iyadoo loo raacayo sida uu dhigayo habraaca sharci ee shaqo qorista iyo xulista ee Hay’adda shaqaalaha dawladdu ay dhammaan xubnaha shaqo carbinta loo diiwaangliyay lagu soo daro miisaaniyada 2021, iyadoo wasaarad iyo hay’ad kastaa tirada rasmiga ah ee ay u diiwaangelisay Hay’ada shaqaaalaha dawladu ku soo darsanayao oddoroska miisaaniyadda ay sanadka 2021.
4. Wasaaradaha caafimaadka iyo Waxbarashada oo aan tirada shaqaalaha ku meel-gaadhka ah ee qodobka 1aad ku cad ku jirin, kuwaas oo aan liisaskooda soo gudbin, waxaa la go’aamiyay in dib loo dhigo, loona qaybiyo 2 sanno oo is xiga, maaddaama tiradoodu badan tahay laga bilaabo sannadka 2023 ilaa 2024-ka.
5. Waxa si rasmiya gebi ahaanba loo joojiyay lana madnuucay qaadashada xubno kumeel gaadh ahaan wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawlada ku hawl-geliyaan sifo kasta oo ay tahay. Wasaaradda ama Hay’adda go’aankan ka dib qaadata shaqaale kumeel-gaadh ah waxa loo aqoonsanayaa sharci darro baalmarsan xeerarka shaqaalaha.
Ugu danbayn golaha wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey xeerka Shaqaalaha Dawladda oo kaabis iyo wax ka beddel lagu sameeyey, sidoo kale waxa uu goluhu dib u dhigay doodda Siyaasadda Qaran ee Shaqo abuurka Somaliland oo wasaaradda Shaqo-gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska ay golaha hor keentay.
ALLAA MAHAD LEH
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.