Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Oo Madaxweynaha Hortiisa Ku Dhaariyey Xubintii Komishanka Ee Ay Dhawaan Ansixiyeen Golaha Wakiilladu, Wasiirro Iyo Saraakiil Kale Oo Hay’adaha Qaranka Katirsan.  

0
51

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Oo Madaxweynaha Hortiisa Ku Dhaariyey Xubintii Komishanka Ee Ay Dhawaan Ansixiyeen Golaha Wakiilladu, Wasiirro Iyo Saraakiil Kale Oo Hay’adaha Qaranka Katirsan.

 

Hargeysa-13-05-2024-(MT-JSL)-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Jamhuuriyadda Somaliland, garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa Madaxweynaha Qaranka Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi hortiisa ku dhaariyey xubno kala duwan oo isugu jira Komishanka doorashooyinka Qaranka, golaha wasiirrada, guddida diiwaangelinta ururrada siyaasadda iyo ansixinta axsaabta qaranka iyo hay’adda shaqaalaha dawaldda oo dhawaan kasoo gudbay golaha wakiillada Somaliland.

 

Ugu horrayn, guddoomiyuhu waxa uu Madaxweynaha hortiisa ku dhaariyey, Mudane Siciid Maxamed Xaaji Cismaan oo xisbiga WADDANI komishanka usoo magacaabay, islamarkaana ay golaha wakiilladu ansixiyeen, waxana dhaartiisa loo maray xeerka guud ee doorashooyinka Qaranka iyo diiwaangelinta codbiyeyaasha xeer No. 91/23 qodobkiisa 28-aad.

 

Sidoo kale, waxa Madaxweynaha Qaranka hortiisa lagu dhaariyey Mudane Cumar Cali Cabdilaahi oo xubin ka ah guddida diiwaangelinta ururrada iyo ansixinta axsaabta Qaranka oo dhawaan golaha wakiilladu meel mariyeen, waxana dhaartiisa loo raacay wax-ka-beddelka iyo kaabista xeerka nidaamka ururrada iyo axsaabta siyaasadda xeer No 14/23, qodobkiisa 8-aad.

 

Guddoomiyaha Maxkamadda sare, garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed waxa uu Madaxweynaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland hortiisa ku dhaariyey sagaal xubnood oo kamid ah golaha wasiirrada oo dhawaan kasoo gudbay golaha wakiillada.

 

Guddoomiye-ku-xigeenka hay’adda shaqaalaha dawladda, Mudane Cabdilaahi Axmed Faarax oo maalintii shalay ay golaha wakiilladu ansixiyeen.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa la dardaarmay xubnaha saaka la dhaariyey, waxana uu ku boorriyey inay shaqadooda u gutaan si hufan, bulshadana ugu adeegaan sida ugu wanaagsan.

 

Xubnaha golaha wasiirrada ee maanta gutay dhaarta Dastuuriga ah ayaa kala ahaa: Wasiirrada wasaaradaha horumarinta Beeraha Mudane Axmed Maxamed Habbane,  Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda, Mudane Axmed Yuusuf Idiris, Dhallinyarada iyo  Ciyaaraha, Mudane Cabdirisaaq Muuse Faarax, Xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha Dastuurka, Mudane Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni, Horumarinta Gaadiidka iyo jidadka, Mudane Raabbi Cabdi Maxamed, Gaashaandhigga, Mudane Rooble Cabdi Cilmi, ku-xigeenka Xannaanada xoolaha iyo horumarinta miyiga, Mudane Axmed Maydhane Ibraahim iyo ku-xigeenka horumarinta maaliyadda, Mudane Saleebaan Jaamac Diiriye.

Wa-bilaahi Tawfiiq