Jamhuuriyadda Somaliland Oo Sii Daysay 14 Maxbuus Oo Lagu Qabtay Dagaalkii Tukaraq

0
633

Jamhuuriyadda Somaliland Oo Sii Daysay 14 Maxbuus Oo Lagu Qabtay Dagaalkii Tukaraq

 

Hargeysa-27-05-2019-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi xuskii sannad-guurada 28-aad ee dib ula soo noqoshada madax-bannaanida Somaliland ee 18-ka May, waxa uu sheegay in dawladda Somaliland mar walba nabad buuxda u hayso cid kasta, sidaa awgeedna sii daynayso maxaabiistii lagu qabtay  dagaalkii   lagu soo qaaday deegaanka Tukaraq ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland ee maamulka farmaajo ka danbeeyay.

 

Tallaabadaas oo muujinaysa in Somaliland mudnaan weyn siisay  amniga iyo nabadda, xukuumadda Somaliland, waxa ka go’an ahmiyadda weyn ee nabad-gelyadu leedahay, taas oo beesha caalamka iyo mandaqadda geeska Afrika u caddaynaysa sida ay Somaliland diyaarka ugu tahay xoojinta nabadda.

 

Haddaba, Somaliland waxa ay u aragtaa shaqaaqooyinka maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland ku waddo   dawladda Somaliland in maamulka Farmaajo  hurinayso.

 

Waxaynnu ognahay dabka ka holcaya Kismaayo, Gal-mudug, Hir-shabeelle, Puntland iyo Muqdisho uu yahay colaad iyo cadaawad uu dabada ka riixayo maamulka farmaajo, sidaa daraadeed Jamhuuriyadda Somaliland waxay xad la leedahay  Soomaaliya waa maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland, wixii khilaaf ka yimaadda xadka  Somaliland waxa ay diyaar u tahay in lagu xalliyo nabad iyo is af-garad buuxa, lagana fogaado dhibaatada laga soo maleegayo maamulka farmaajo

 

Ugu danbayn  xukuumadda Somaliland iyadoo danaynaysa nabad ku noolaanshaa iyo deris wanaaga waxay  soo jeedinay in duruufaha ku geedaaman mandaqada geeska Africa ee dhaqaale xumada fakhriga abaaraha iyo hoos u dhaca adeega aasaasiga ah laysu kaashado lagana waantoobo dagaal iyo colaado hor leh.

Liiska saamaxaada uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland u fidiyey Maxaabiista Dagaal ee Maamul Goboleedka Puntland ay kaga qabteen Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland dagaalkii Tukaraq, kuwaas oo kala ah:

 

  • Cabdi-naasir Cismaan Cali
  • Cabdi-nuur Maxamed Cabdulle
  • Maxamed Siciid Yuusuf
  • Cali Faarax Aadan
  • Maxamed Cabdi Caynab
  • Cabdi-xaafid Cabdillaahi Xalane
  • Xuseen Siciid Warsame
  • Cabdi-naasir Maxamed Nuur
  • Maxamed Abshir Aadan
  • Ibraahin Xasan Salaad
  • Axmed Maxamed Axmed
  • Siciid Ducaale Cali
  • Mahad Nuur Cali
  • Faarax Maxamed Cabdi

 

Wa-bilaahi Tawfiiq