๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐๐ง ๐ฅ๐ ๐ฒ๐๐๐ฌ๐ก๐๐ฒ ๐๐๐ง๐ฃ๐ข๐ซ๐๐ก๐ ๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐๐ฐ๐ข๐ญ๐ณ๐๐ซ๐ฅ๐๐ง๐ ๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐จ๐จ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada kulan kula yeeshay Danjiraha Dalka Switzerland u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya oo uu fadhigiisu yahay magaalada Nairobi. Danjire Mirko Giulietti iyo weftigiisa ayaa booqasho rasmi ah ku yimid dalka Jamhuuriyadda Somaliland.
Kulanka labada dhinac ayaa ahaa mid diiradda lagu saaray horumarinta nabadda iyo xasilloonida mandaqadda.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Danjiraha iyo weftigiisa uga mahad naqay booqashada ay ku yimideen Somaliland, isaga oo uga xog warramay talaabooyinka wax-ku-oolka ah ee ay Xukuumadda cusubi qaaday, gaar ahaan adkaynta Nabadda iyo wada noolaanshaha bulshooyinka Gobollada Bariga Somaliland iyo Qaramaynta Ciidamada Madaniga ah iyo Gaadiidkoodii, iyada oo haba yaraatee aanay jirin cid Somaliland ka gacan siisay.
Sida oo kale, Madaxweynuhu waxa uu Danjiraha Switzerland u xaqiijiyey sida ay Somaliland uga goโan tahay adkaynta amniga iyo xasilloonida Gobolka Geeska Afrika, Dawlad-Wanaagga, ku dhaqanka hannaanka dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka xorta ah.
Danjiraha Switzerland waxa uu ballan-qaaday in uu Dawladdiisa u soo jeedin doono sidii Somaliland looga taageeri lahaa dedaallada ay ugu jirto nabadaynta.
Danjiraha dalka Switzerland waxa uu bogaadiyay nabadda, xasiloonida iyo nidaamka dimuqraadiga ah ee ka jira Somaliland, iyada oo ku taalla mandaqad ay ka jiraan colaado. Danjiruhu waxa uu muujiyay in ay soo dhawaynayaan in wada hadal nabadeed lagu dhammeeyo wixii khilaaf ah ee jira.
๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐
๐๐ฎ๐ฌ๐๐๐ง ๐๐๐๐๐ง ๐๐ข๐ ๐ (๐๐๐ฒ๐ซ),
๐๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐