Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Wefti uu hoggaaminayo oo Safar Shaqo ugu Ambo baxay Dalka Kiiiniya + Sawiro

0
462

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Wefti uu hoggaaminayo oo Safar Shaqo ugu Ambo baxay Dalka Kiiiniya

 

Hargeysa-13-12-2020-(MT-JSL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa safar shaqo ugu ambo baxay dalka Kiiniya, kaddib markii ay marti-qaad rasmi ah ka heleen madaxweynaha dalkaas Mr. Uhuru Kenyatta.

 

Madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayo oo  marti-qaad rasmi ah ka helay madaxweynaha dalka Kiiniya, Mr. Uhuuru Kiiniyaata, ayaa ka hor intii aanay dalka ka dhoofin waxa ujeeddada safarka warbaahinta u faahfaahiyey afhayeenka madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Safarkani waxa uu daarran yahay sidii loo xoojin lahaa, loona dardargelin lahaa xidhiidhka Diblomaasiyasadeed iyo midka  wada-shaqayneed ee inaga dhexeeya waddanka Kiiniya, muddada ay weftigu dalkaas ku sugan yihiinna waxa ay kulamo la qaadan doonaan dhiggiisa waddanka Kiiniya.”

 

Xubnaha weftiga ee madaxweynaha ku wehelinaya socdaalkiisa oo ka tirsan golaha wasiirrada, ayaa waxa kamid ahaa, Wasiirrada wasaaradaha Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), Arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Deegaanka iyo horumarinta reer Miyiga, Marwo Shugri xaaji ismaaciil Baandare, horumarinta caafimaadka, Mudane Cumar Cali Cabdilaahi iyo Horumarinta maalgashiga, Mudane Maxamed Axmed Cawad.

Wa-bilaahi Tawfiiq