Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland iyo Wefti uu hoggaaminayo  oo si Ballaadhan Loogu soo dhaweeyey deegaanka  Abdaal

0
153

Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland iyo Wefti uu hoggaaminayo  oo si Ballaadhan Loogu soo dhaweeyey deegaanka  Abdaal

 

Hargeysa-24-08-2023-(MT-JSL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo oo kasoo laabtay safar shaqo oo ay ku tageen gobollada Togdheer iyo Saaxil, ayaa maanta si ballaadhan loogu soo dhaweeyey magaalada  Abdaal ee degmada Mandheera.

 

Dadweynaha ku dhaqan deegaanka Abdaal oo ay hormuud u yihiin maamulka degmada Madheera, cuqaasha, waxgaradka iyo haldoorka Bulshada oo caleemo qoyan lulaya calanka Jamhuuriyadda Somaliland-na ku lebbisan, ayaa madaxweynaha iyo weftigiisa kaga hortegay jihada Bari ee magaalada Abdaal, iyaga oo safaf dhaadheer u taagnaa waddada dheer ee magaalada hor marta.

 

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa u gacan haadiyey shacabkii reer Abdaal ee taagnaa hareeraha waddada, kuwaas oo ay wajiyadooda ka muuqatay farxad iyo xamaasad dheeraad ahi.

 

Soo dhaweynta kaddib, waxa madaxweynaha iyo weftigiisu ay shacabkii soo dhaweeyey kala hadleen goob loo diyaariyey, waxana halkaas laga jeediyey hadallo loogu mahadnaqayo shacabkii soo dhaweynta usoo baxay, lagagana sheekaynayo waxyaabihii ay xukuumaddu ka hirgelisay.

 

Madax-dhaqameed deegaanka kasoo jeeda oo ay kamid yihiin Ugaas Caydaruus, Suldaan Shabcaan, suldaan Cali Saleebaan, suldaan Maxamuud Axmed Sheekh, chief caaqil Khadar Jaamac Caarre oo halkaas ka hadlay, ayaa shacabka reer Abdaal uga mahadnaqay sida xamaasadda leh ee ay madaxweynaha iyo weftigiisa usoo dhaweeyeen, waxana ay kula dardaarmeen inay midnimadooda adkaystaan, horumarka degmadana u midoobaan.

 

Siyaasiyiin iyo haldoor kale oo ay kamid yihiin Ex. Xildhibaan Axmed wayso-cadde, Mudane hore Maxamed Cali-dheere, Mudane Bashiir Aw Xasan oo halkaas ka hadlay, ayaa si qoto dheer u sharraxay waxyaabaha ay xukuumaddu ka qabatay degmada iyo guud ahaanba gobolka Saaxil, iyaga oo shacabkana uga mahadnaqay sida diirran ee ay usoo dhaweeyeen madaxweynaha iyo weftigiisa.

 

Qaar kamid ah haldoorka iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolka Saaxil, guddoomiyaha gobolka Saaxil, Mudane Cali Cabdi Cabdilaahi (Cali-case), maayarka degmada Berbera, Mudane Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Ciddin), guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee gobolka Saaxil, Mudane Maxamuud Maxamed Jaamac, agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka, Mudane Muuse Jaamac Maxamed, maareeyaha dekedaha, Mudane Siciid Xasan Cabdilaahi, Guddoomiyaha degmada Mandheera, Mudane Cumar Cali Xuseen, guddoomiyaha degmada Laasgeel, Mudane Mustafe Ibraahim Cismaan (Jebiye), siyaasi Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase), Sheekh Saleebaan Siciid Cali iyo waxgarad kale oo halkaas ka hadlay, ayaa bulshada deegaanka Abdaal uga  mahadnaqay sida aan kala hadhka lahayn ee ay usoo dhaweeyeen.

 

Wasiirka wasaaradda Qoyska, Shaqada iyo arrimaha Bulshada, Mudane Cali Cumar Maxamuud (Cali Xoor xoor) oo munaasibadda soo dhaweynta ah ka hadlay, ayaa ku dheeraaday sida dadka deegaanka Abdaal caanka ugu yihiin soo dhaweynta iyo marti-soorkaba, waxana uu hoosta ka xarriiqay inay xukuumaddu wax badan ka qabatay guud ahaan gobolka Saaxil.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda soo afmeeray, ayaa ugu horrayn bulshada ku dhaqan magaalada Abdaal iyo deegaannada ku xeeran uga mahadnaqay sida diirran ee ay usoo dhaweeyeen, waxana uu ku ammaanay sida qaybta uga yihiin nabadda iyo horumarka dalka.

 

Madaxweynuhu waxa uu kula dardaarmay bulshada degmada Mandheera inay nabadda iyo wada-jirkooda ilaashadaan, “Dhammaanteen waa inaynu nabadda iyo horumarka gacmaha isu qabsannaa, is jeclaanno oo wax wada qabsannaa,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Wa-bilaahi Tawfiiq