Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Weftigii uu Hoggaaminayey oo Caawa Kusoo Hoyday Magaalada Burco + Sawiro

0
677

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Weftigii uu Hoggaaminayey oo Caawa Kusoo Hoyday Magaalada Burco

Burco-28-11-2018-(MT-JSL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo socdaal shaqo oo maalintii 11-aad galay ku marayey gobollo badan oo dalka kamid ah, ayaa caawa kusoo hoyday magaalo madaxda gobolka Togdheer ee Burco.

Madaxweynaha iyo weftigiisa oo hiirtii hore ee saaka kasoo baqoolay magaalo-madaxda gobolka Sanaag ee Ceerigaabo, isla markaana kulammo  shaqo oo kala duwan ku qaatay magaalooyin tiro badan oo ku teedsan inta u dhaxaysa Burco iyo Ceerigaabo, ayaa caawa fiidkii hore kusoo hoyday magaalada Burco, waxana safarka madaxweynaha faah-faahin ka bixiyey Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Weftiga madaxweynaha oo soo caawa soo gaadhay magaalada Burco, saakana kasoo ambabaxay magaalada Ceerigaabo, waxa uu madaxweynuhu maanta ku hakaday oo uu hawl-maalmeed shaqo kusoo qaatay magaalada Ceel-Afweyn, halkaas oo uu kaga qabgalay dhammaystirka nabadayntii deegaanka Ceel-Afweyn, isaga oo kulamo kala duwanna la qaatay ergooyinkii dhexdhexaadinaysay beelaha walaalaha ah iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Ceel-Afweyn.”

Madaxweynaha iyo weftigiisa waxa lagu soo dhaweeyey dhammaanba magaalooyinka u dhexeeya magaalooyinka Ceerigaabo iyo Burco, waxana uu la hadlay shacabka ku dhaqan magaalooyinkaas oo ay ka mid yihiin Gadh-gumreed, Berkadda Cali Xirsi, War-idaad, Xayira, Ina Af-madoobe iyo Beer, iyada oo dadweynaha ku dhaqan magaalo madaxda gobolka Togdheer ee Burco ay madaxweynaha iyo weftigiisa si weyn usoo dhaweeyeen, una gelbiyeen dhinaca guriga madaxtooyada magaalada Burco.

Afhayeenku waxa uu guud ahaanba bulsho-weynta ku dhaqan deegaannada madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayaa socdaalka shaqo ku tageen  oo soo dhaweyn aan kala hadh lahayn ku qaabiley, waxana uu safarka madaxweynaha ku tilmaamay mid loogu kuurgelayey xaaladda dalka, isla markaana lagu dardargelinayey mashaariicda horumarineed ee xukuumaddu ka waddo deegaanno badan oo gobollada Bariga dalka ah, laguna dhagax-dhigay mashaariic hor leh oo xukuumaddu deegaannadaas ka hirgelin doonto.