Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Weftigii uu hoggaaminayo oo lagu soo dhaweeyey magaalada Burco iyo deegaannada ku teedsan.

0
228

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Weftigii uu hoggaaminayo oo lagu soo dhaweeyey magaalada Burco iyo deegaannada ku teedsan.

 

Burco-18-08-2023-(MT-JSL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa maanta lagu soo dhaweeyey magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer oo uu safar shaqo ku gaadhay.

 

Madaxweynaha iyo weftigiisa oo saaka ka ambo baxay magaalo xeebeedka Berbera oo uu maalmihii u danbeeyey hawlo shaqo u joogay, ayaa markii ay soo gaadheen duleedka waqooyi galbeed ee magaalada Burco waxa kaga hor yimi maamulka gobolka Togdheer, ka degmada Burco, xubno xukuumadda katirsan, madax-dhaqameed iyo dadweyne tiro badan oo ku lebisan astaanta calanka Jamhuuriyadda Somaliland caleemo qoyanna lulaya, kuwaas oo ay wejiyadooda ka muuqatay farxad iyo soo dhaweyni.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna u gacan haadiyey dadweynihii safafka ugu jirey soo dhaweyntiisa, isaga oo sidoo kalena gacan qaaday madaxdii, masuuliyiintii iyo madax-dhaqameedkii soo dhaweyntiisa u taagnaa, waxana loo sii gelbiyey dhinaca gudaha magaalada Burco.

 

Magaalooyinka iyo tuulooyinka kala duwan ee u dhexeeya magaalooyinka Berbera iyo Burco, ayey madaxweynaha iyo weftigiisa si heer sarraysa ugu soo dhaweeyeen dadweynaha deegaannadaas ku dhaqani ka hor intii aanay Burco gaadhin.

 

Wa-bilaahi Tawfiiq