๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐๐ง ๐ฎ๐ฎ ๐ฅ๐ ๐ช๐๐๐ญ๐๐ฒ ๐๐จ๐ฅ๐๐ก๐ ๐๐๐ซ๐ ๐๐ ๐๐ก๐๐ช๐๐๐ฅ๐๐ก๐ ๐๐๐ซ๐๐๐ญ๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐ซ๐ข๐ค๐
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wefti ballaadhan oo ka socda Golaha Sare ee Dhaqaalaha Carabta iyo Afrika (Supreme Council for Arab-African Economy) oo booqasho rasmi ah ku yimid Jamhuuriyadda Somaliland.
Weftiga oo ka koobnaa 9 xubnood, waxa hoggaaminayey Madaxweynaha Golaha Mudane Dr. Haani Hassan Abu Zayid.
Golaha Sare ee Dhaqaalaha Carabta iyo Afrika ayaa ah urur ama madal ay ku bahoobeen Maal-qabeeno Caalami ah, Ganacsato waaweyn iyo Maalgashadayaal culus oo ka socda dalal kala duwan. Golahan waxa lagu aasaasay dalka Faransiiska, waxana uu ka diwaan gashan yahay UN-ka, fadhigiisuna waa dalka Boqortooyada Sucuudiga.
Kulanka waxa lagaga wada hadlay arrimo muhiim u ah labada dhinac, oo ay ka mid yihiin fursadaha Maalgashiga ee yaalla Somaliland, ballaadhinta ganacsiga, horumarinta dhaqaalaha, iyo ka wada shaqaynta iskaashiga gobolka.
Ugu horrayn, Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha JSL, Mudane Saciid Maxamed Buraale oo weftigan ku soo dhaweeyey dalka, kulanna kula yeeshay Wasaaradda (shalay)
ayaa faah-faahin ka bixiyey ujeedada booqashada weftiga Golaha Sare ee Dhaqaalaha Carabta iyo Afrika, isaga oo sheegay:
1. In weftigu ay Indho indheeyaan fursadaha Maalgashiga iyo kuwa Ganacsi ee yaalla dalka Somaliland
2. In weftigu ay kulamo la yeelan doonaan Hayโadaha Dawladda JSL ee ka mas’uulka ah khayraadka dihin ee ay Somaliland hodanka ku tahay, gaar ahaan Macdanta, Xoolaha nool, Kalluumaysiga iyo Beeraha
3. In Golaha Sare ee Dhaqaalaha Carabta iyo Afrika ay xarun ka furanayaan dalka Somaliland,
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu weftiga uga mahad naqay booqashada ay ku yimaadeen Somaliland, waxana uu uga xog-warramay buqcadda istiraatijiga ah ee ay Somaliland ku taallo, amniga iyo xasiloonida ka jirta dalka, dawladnimada la isku hallayn karo iyo hannaanka dimoqraadiga ah ee ka hirgalay Somaliland. Madaxweynuhu waxa uu weftiga u soo jeediyey in ay sahamiyaan meelaha la iska kaashan karo, gaar ahaan dhinacyada khayraadka dabiiciga ah, kaabayaasha dhaqaalaha, tamarta iyo ganacsiga.
Weftigu waxa ay bogaadiyeen horumarka ay Somaliland ku tallaabsatay, waxana ay muujiyeen in ay diyaar u yihiin in la xoojiyo iskaashiga dhinacyada Maalgashiga, Ganacsiga, horumarka iyo in si wadajir ah looga faaโidaysto fursadaha horumarka ee yaalla Somaliland.
Gababadii, kulankan ayaa ku soo dhamaaday is af-garad iyo in Golaha Sare ee Dhaqaalaha Carabta iyo Afrika ay booqdaan, kulamo la yeeshaan Hayโadaha Dawladda ee ka mas’uulka ah
meelaha ay danaynayaan.
๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐
๐๐ฎ๐ฌ๐๐๐ง ๐๐๐๐๐ง ๐๐ข๐ ๐ (๐๐๐ฒ๐ซ)
๐๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐.