Home Wararka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo magacaabay Agaasimaha Guud...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland.

0
397

Wareegto Madaxweyne 

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 23/12/2024 uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222011/122024 uu ku magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

 

Wareegto Madaxweyne 

 

 

 

 

Magacaabid 

 

 

Markii aan arkay:   Qoddobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markii aan tixgeliyey:   Ahmiyadda Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaaluhu u leeyahay horumarka iyo kobcinta dhaqaalaha dalka;

 

Markii aan arkay:          Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waayo-aragnimadiisaba, isla markaana in uu hanan karo mas’uuliyadda ka dhalanaysa xilkan;

        

Markii aan sameeyey: La-tashi;

 

Waxa aan go’aamiyey;

 

In Maxamed Xasan Saleebaan Maxamuud laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland.

          [

 

 

 

ALLAA MAHAD LEH

 _________________

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland [