Home Wararka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo wareegto Madaxweyne ku...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo wareegto Madaxweyne ku magacaabay Ergayga Gaarka ah (Special Envoy) ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

0
515
Wareegto Madaxweyne.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 26/12/2024 uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-017/122024 uu ku magacaabay Ergayga Gaarka ah (Special Envoy) ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Wareegto Madaxweyne
Magacaabid
Markii aan arkay: Qoddobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markii aan tixgeliyey: Ahmiyadda uu Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynuhu u leeyahay hawlaha gaarka ah loo xilsaaro;
Markii aan ku qancay: Aqoontiisa, kartidiisa, iyo waayo-aragnimadiisaba, isla markaana uu hanan karo mas’uuliyadda ka dhalanaysa xilkan;
Markii aan sameeyey: La-tashi;
Waxa aan go’aamiyey;
In Axmed Cabdiraxmaan Sheekh Bashiir, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Ergayga Gaarka ah (Special Envoy) ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.
ALLAA MAHAD LEH
_____________________________
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland