Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne uu ku soo-saaray Cayimaadda Muddada Qabsoomidda Doorashooyinka.

0
88

Wareegto Madaxweyne 21.04.2024

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne uu ku soo-saaray  Cayimaadda Muddada Qabsoomidda Doorashooyinka.

 

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

 

Cayimaadda Muddada Qabsoomidda Doorashooyinka

 

Markaan Arkay:          Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markaan Arkay:         Qodobka 6aad, faqraddiisa 2aad ee Wax-ka-beddelka iyo Kaabista Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha ee Xeer Lr. 91/2023 oo dhigaya in Madaxweynuhu uu 15 maalmood gudahood uu ku soo saarayo digreeto cayimaadda muddada doorashada, ka dib marka uu helo cayimaadda Komishanka Doorashooyinka;

 

Markaan Helay;          Qoraalka summaddiisu tahay Tix: KDG/XK-6/083/2024, kuna taariikhaysan 20/04/2024, ujeeddadiisuna tahay Cayimaadda Taariikhda La-qabanayo Doorashada Madaxweynaha, Ku-xigeenka Madaxweynaha iyo Doorashada Tooska ah ee Asxaabta Qaranka;

 

 

Waxaan Soo-saaray;

 

In Doorashada Madaxweynaha, Ku-xigeenka Madaxweynaha iyo Doorashada Tooska ah ee Asxaabta Qaranka la-wada qabto 13-ka Bisha November ee sannadkan 2024-ka.

 

 

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland