Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Caawa Kormeeray Goobaha Ganacsiga Ee Gudaha Caasimadda Hargeysa.

0
195

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Caawa Kormeeray Goobaha Ganacsiga Ee Gudaha Caasimadda Hargeysa.

 

Hargeysa-20-04-2023-(MT-JSL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa munaasibadda ciidal-fidriga awgeed caawa kormeer kusoo maray goobo kala duwan oo ku yaalla degmooyinka caasimadda Hargeysa.

 

Madadaxweynaha Qaranka, ayaa kormeerkiisa bilaabay fiidkii hore ee caawa markii ay saacadda Bariga Afrika ahayd 8:30 daqiiqo, waxana uu soo gebogebeeyey 12:00 habeennimo ee caawa, isaga oo waqti la qaatay dadweyne kala duwan oo ku sugnaa qaar kamid kamid ah Huteelladii waaweynaa ee uu booqday oo ay  kamid ahaayeen STAR iyo RAMADA iyo kuwo kale.

 

Madaxweynaha, ayaa dadweynihii uu goobahaas kula kulmay oo isugu jirey qaybaha kala duwan ee bulshadu ka kooban tahay shaah iyo sheekaba la wadaagay, iyaga oo dadweynuhuna madaxweynaha soo dhaweeyey, kuna farxay inuu fadhi waqti badan qaatay la wadaago xilli habeennimo ah.

 

Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu sidoo kale soo maray waddooyinka kala duwan ee caasimadda oo caawa saxmaddoodu badnayd, maaddaama oo lagu jiro habeenka koowaad ee ciidal-fidriga, waxana uu indhihiisa ku arkay sida nabadgelyada ah ee ay dadweynuhu u ganacsanayaan.

 

Madaxweynaha waxa kormeerkiisa ku wehelinayey xubno kamid ah golaha wasiirrada, maayarka caasimadda iyo taliyaha ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland.

Wa-bilaahi Tawfiiq