Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Daah-Furay Wejiga Koowaad Ee Mashruuca Biyo-Ballaadhinta Hargeysa + Sawiro

0
352

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Daah-Furay Wejiga Koowaad Ee Mashruuca Biyo-Ballaadhinta Hargeysa.

 

Hargeysa-10-10-2022-(MT-JSL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta daah-furay wejiga labaad ee mashruuca biyo ballaadhinta caasimadda Hargeysa oo ay muddo dheer soo wadday wakaaladda biyaha Hargeysa.

 

Munaasibadda mashruucan oo lagu qabtay deegaanka Geed-deeble ee waqooyiga Hargeysa oo ay madaxweynaha kala qaybgaleen guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee golaha wakiillada, xubno kamid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno, madaxda wakaaladda biyaha Hargeysa, safiirro iyo diblomaasiyiin ka socda dawladaha Somaliland saaxiibka la ah, siyaasiyiin iyo marti-sharaf kale, ayaa laga jeediyey hadallo lagu bogaadinayo dedaalka wakaaladda  biyaha Hargeysa gelisay sidii uu  mashruucani u noqon lahaa mid guulaysta.

 

Ugu horrayn maareeyaha wakaaladda biyaha Hargeysa, Mudane Maxamed Cali Daarood oo halkaa ka hadlay, ayaa si qoto dheer u sharraxay dedaalka iyo naf-hurnimada ay wakaallada ahaan geliyeen sidii uu mashruucani u guulaysan lahaa, islamarkaana looga guuri lahaa nidaamkii gaboobay ee shiinuhu sameeyeen ee ay Hargeysa ku heli jirtay biyaha, kaas oo loogu talo talay tiro yar oo waqtigaas caasimadda deggenayd.

 

Maareeye Maxamed Cali Daarood waxa uu sheegay in mashruucani ka kooban yahay ceelal cusub, Beebab cusub oo la dhigay masaafada u dhaxaysa caasimadda iyo deegaanka Geed-deeble, mishiinno iyo qalab cusub oo halkaas lagu rakibay, kuwaas oo dhammaantood casri ah, wax weynna ka taraya sidii loo yarayn lahaa biyo yaraanta ka taagan Hargeysa.

 

Maayarka caasimadda Hargeysa, Mudane Cabdikariin Axmed Mooge oo madasha hadallo kooban ka jeediyey, ayaa u mahadnaqay madaxda iyo hawl-wadeennada wakaalladda Biyaha Hargeysa, waxana uu sheegay inay mudan yihiin in lagu ammaano dedaalka ay geliyeen guusha uu maanta mashruucani gaadhay.

 

Wasiirrada wasaaradaha Qorshaynta qaranka iyo horumarinta Biyaha, Dr. Axmed Aadan Buuxane iyo Mudane Cali Xasan Maxamed (Cali-marreexaan) oo iyaguna madasha ka hadlay, ayaa guul ku tilmaamay in wejiga labaad ee mashruuca dib loogu ballaadhinayo biyaha caasimadda Hargeysa maanta la ibo-furo, waxana ay madaxda wakaallada Biyaha ku ammaaneen dedaalkooda midhihiisii la gaadhay.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo khudbad dhinacyo kala duwan taabanaysa ka jeediyey madasha, ayaa ugu horrayn horumar weyn oo la gaadhay ku tilmaamay in mashruucani maanta soo gebogeboobo, waxana uu xusay in wax kasta oo loo dedaalaa uu keenayo maxsuul guulaysta oo ujeeddadii laga lahaa laga gaadho.

 

Maxaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu ammaanay cid kasta oo ka qayb qaadatay in dib-u-ballaadhinta Hargeysa guul laga gaadho, isaga oo si gaar ah carrabka ugu dhuftay hay’adaha kala duwan ee dawladda ee hawshan ku lugta leh, waxana uu yidhi,“Waxan u mahadnaqayaa dhammaan hay’adda dawladaha ee ka qaybqaatay mashruucan oo faro badan, waxan  ammaan u soo jeedinayaa hawlwadeennada wasaaradda biyaha oo hoggaamin la dul joogay wakaallada biyaha, waxana u mahadnaqayaa wakaaladda biyaha iyo  maareeyahooda oo dedaal badan sameeyey si hawshan loo hirgeliyo.”

 

Intaas kaddib, madaxweynuhu waxa uu kormeer kooban ku sameeyey ceelasha cusub ee biyo-ballaadhinta caasimadda loo diyaariyey, kuwaas oo si habsami leh u shaqayna, isaga oo indhihiisa kusoo arkaya mishiinnada waaweyn ee casriga ah ee  biyaha soo tuuraya.

Wa-bilaahi Tawfiiq