Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Hambalyo U Diray Dawladda Jabuuti Oo U Dabaal-degaysa 46 Guurada Ka Soo Wareegtay Maalintii ay Xornimada Qaateen

0
181

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Hambalyo U Diray Dawladda Jabuuti Oo U Dabaal-degaysa 46 Guurada Ka Soo Wareegtay Maalintii ay Xornimada Qaateen.

 

27-06-2023-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu Dhambaal hambalyo ah u dirayaa dawladda iyo shacabka aynu jaarka iyo walaalaha dhaw nahay ee Jamhuuriyada Jabuuti oo ay maanta ku beegan tahay Xuska sannad guurada 46-aad ee kasoo wareegtay markii uu dalkaasi xorriyaddiisa ka qaatay waddanka Faransiiska 27-kii bishii Lixaad (June) sannadkii 1977-kii.

Waxaanu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, shacab-weynaha dalka

Jamhuuriyadda Jabuuti ku bogaadiyey xuska sannad-guurada xorriyaddooda oo ku beegan Maanta oo Salaasa ah, waxaanu u rajeeyey Madaxweynuhu horumar, bash-bash iyo barwaaqo inay sannadkaa sannadkiisa ku gaadhaan.

Madaxweynuhu waxa uu mar labaad iyo mar saddexaadba ku hambalyaynayaa shacbiga iyo Dawladda Jabuuti xornimada iyo horumarka 46-tan jirsaday ee ay u dabbaal-degayaan maanta, waxaanu u rajeynayaa inay sannadkan kiisa ku gaadhaan wadajir iyo horumar.”

ALLAA MAHAD LEH

 

Naasir Yuusuf Daahir

Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada JSL