Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ka qaybgalay Aas Qaran oo loo sameeyey Ciidankii Booliska ahaa ee lagu Laayey Go’da yar.

0
134

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ka qaybgalay Aas Qaran oo loo sameeyey Ciidankii Booliska ahaa ee lagu Laayey Go’da yar.

 

Hargeysa-13-08-2023-(MT-JSL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay Aas Qaran oo xabaalaha Baqiic loogu sameeyey 9-kii kii askari ee katirsanaa ciidanka Booliska ee dhawaan lagu laayey tuulada Go’da yar oo katirsan gobolka Saaxil.

 

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi isaga oo ku hadlaya magaca Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu muujiyey sida uu uga xun yahay Askartaa maanta wadar ahaanta loo Aasay, isaga oo tacsi tiiraanyo leh u diray Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ehellada iyo qaraabada ay ka  baxeen, waxana uu yidhi, “Aniga oo ku hadlaya magaca Qaranka, waxa aan dilkaa loo geystay ciidamada Qaranka ka tacsiyadaynayaa, guud ahaan Qaranka, qoysaskoodii iyo ehelkoodii, waana la qaybsanaynaa xanuunka iyo geerida ku timi, Qarankuna wuu la qaybsanayaa.”

 

Madaxweynuhu waxa uu si cad u sheegay inay waajib tahay soo qabashada cid kasta oo ka dambaysay dilka Askartaas, xukuumadduna ay gadh-wadeen ka noqon doonto sidii sharciga loo marin lahaa,“Maanta Qaranka Somaliland cidii shirqoolkaas iyo dilkaas geysatay mid abaabulay, mid caawiyey iyo mid gacan geystay in sharciga la hor keenaa waa waajib oo sida Diinta Islaamku oggoshahay sharciga la mariyaa waa waajib Qaranka saaran, xukuumadduna ay gadh-wadeen ka noqonayso, hay’adaha sharcigana waxa la farayaa inay hawshaas soo dhammaystiraan,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi waxa uu bulshada ugu baaqay midnimo iyo in qarannimada la wada difaaco, talada la wadaago, loona hoggaansamo shuruucda dalka u yaalla, si doorashooyinka loo galo.

 

Aaska Qaran ee loo sameeyey sagaalka Askari ee dhawaan lagu laayey duleedka tuulada Go’da yar waxa madaxweynaha ku wehelinayey, madaxweyne-ku-xigeenka, guddoomiyaha golaha guurtida guddoomiye-ku-xigeenka wakiillada, xubno kamid ah golaha wasiirrada, taliyayaal katisan ciidamada dalka, siyaasiyiin iyo haldoor kale oo bulshada katirsan iyo ehellada marxuumiinta  maanta la Aasay.

Wa-bilaahi Tawfiiq