Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Kormeer Ku Tegay Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka Somaliland

0
323

WAR-SAXAAFADEED
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Kormeer Ku Tegay Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka Somaliland.

Hargeysa-26-03-2023-(MT-JSL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ku guda jira hawl-maalmeedkiisa shaqo ayaa kormeer ku tegay Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyey Wasiirka Gashaandhiga, mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye, Taliyaha Ciidanka Qaranka, Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, Abaanduulaha Ciidanka Qaranka, Sareeyo Guuto Cabdirisaaq Siciid Bulaale Afguduud iyo Saraakiil kala duwan oo ku-sugnaa Taliska Guud.

Waxaana Madaxweynaha Jamhuuriyaddu warbixin la xidhidiha Amniga iyo difaaca Qaranka siiyey Wasiirka Wasaaradda Gashaandhiga oo uu wehelinaayo Taliyaha Ciidamada Qaranka Somaliland, waxaanu wasiirku xusay in Ciidamada Qaranku ay heegan buuxa ugu jiraan marwalba difaaca, dalka iyo dadka, cidkasta oo Qarankan hagardaamo la damacsana ay ku dhufanayaan dhirbaaxo aanay mahadin, Ciidamada Qarankuna aanay ahayn kuwo loo baqo ee ay yihiin kuwo difaac adag ugu jiraan Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo muwaadiniintiisa.

Waxaanu madaxweynuhu Ciidamada Qaranka ku bogaadiyey kuna dhiirigelinayaa dedaalka, kartida iyo adkaysiga Ciidannimo ee ay muujiyeen kuna difaacayaan Qarannimadooda iyo weerarada kaga imanaya huwanta ka dagaalamaysa Laascaanood.

Waxaanu madaxweynuhu sidoo kale bogaadiyey bahda caafimaadka ee dedaalka Qarannimo la barbar taagan ciidamada Qaranka. Dhinaca kalena waxa uu madaxweynuhu bogaadiyey bahda warbaahinta oo uu xusay doorka ay ku leedahay arrimaha Qarannimada iyo shacbi weynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee taageerada la barbar taagan ciidamada Qaranka.

Sidoo kale waxa uu Madaxwyenuhu kormeer ku tegay Taliska Guud ee Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana halkaa warbixin ku siiyey Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland, Sareeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale).

Waxaanu Madaxweynuhu booqday Xerada Ciidanka Birmadka ee hadh iyo habeenba heeganka ugu jira hawlaha degdega ah ee amniga sidii ay ugu gurman lahaayeen marka loo baahdo.

Ugu danbayntiina Madaxweynaha Qaranka Somaliland waxa uu dardaaran iyo dhiirigelinba u diray ciidamada kala duwan ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee kala ah Ciidanka Qaranka Somaliland, Ciidanka Booliska, Ciidanka Asluubta, Ciidanka Ilaalada Xeebaha, Ciidanka Laanta Socdaalka, Ciidanka Sirdoonka iyo Ciidanka Dab-damiska oo iyagu xoog u shaqeeya marwalba, gaar ahaana wakhtigan aynu ku jirno ee Roobabka, waxaanu madaxweynuhu faray dhammaan ciidamada kala duwan inay laba jibaaraan dedaalkooda oo ay meel uga soo wada jeedaan cidii dhibaato la damacsan amniga Qaranka.

ALLAA MAHAD LEH
Naasir Yuusuf Daahir
Agaasimaha Saxaafadda iyo Warbaahinta Madaxtooyada JSL.