Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo kormeeray mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyey qaar kamid ah xarumaha dawladda ee Caasimadda Hargeysa

0
78

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo kormeeray mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyey qaar kamid ah xarumaha dawladda ee Caasimadda Hargeysa.

 

Hargeysa-21-12-2023-(MT-JSL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kormeer shaqo kusoo maray goobo kala duwan oo ay xukuumaddu ka waddo mashaariic horumarineed, kuwaas oo ku yaalla gudaha caasimadda Hargeysa.

 

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, Badhasaabka gobolka Maroodi-jeex, maayarka caasimadda Hargeysa iyo madax ka tirsan xukuumadda, ayaa saaka kormeer shaqo kusoo maray goobo ay kamid yihiin Berkedo cusub oo ay wakaalladu biyuhu ka hirgelisay degmooyinka caasimadda, si loo fududeeyo dedaalka loogu jiro inay caasimaddu hesho biyo ku filan, madaarka Cigaal International Airport iyo mad-xafka Qaranka, waxana uu soo indho indheeyey hannaanka ay mashaariicdaa Qaranku u socdaan.

 

Ugu horrayn, madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu kormeerkiisa kusoo maray Berked cusub oo keydka biyaha ah oo loo qoondeeyey inay keydiso biyaha ay cabbi doonaan shacabka ku dhaqan degmada A/dhagax, taas oo dhismaheedu gebogebo ku dhaw yahay, waxana uu halkaas warbixin kaga dhegaystay maareeyaha wakaallada Biyaha Hargeysa, Mudane Maxamed Cali Daarood iyo qaar kamid ah saraakiisha gacanta ku haya dhismaha Berkedda Keydka Biyaha, kuwaas oo ku dheeraaday dedaalka ay ugu jiraan sidii caasimadda looga haqab-tiri lahaa Biyaha.

 

Sidoo kale, madaxweynaha iyo xubnaha weftiga ah ee wehelinayey, ayaa kormeerkooda kusoo maray madaarka caalamiga ah ee Cigaal, waxana uu u kuurgalay  habsami-u-socodka shaqada madaarka ka socota iyo adeegyada loo qabto soo degayaasha iyo dhoofayaasha, isaga oo sidoo kale indho indheeyey dhismeyaal casri ah oo qaybaha kala duwan ee madaarka laga hirgeliyey, kuwaas oo uu warbixin ka siiyey maareeyaha guud ee madaarka, Mudane Cumar Cabdilaahi Aadan (Cumar-sayid), waxana uu salaam Sharaf ka qaatay ciidamada ilaalada madaarka oo loo hirgeliyey saldhig cusub loo dhisay.

 

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa  uu kormeerkiisa shaqo kusoo khatimay xarunta Madxafka Qaranka ee badhtamaha caasimadda Hargeysa oo haatan gebogebo ku dhaw, waxana uu soo indho indheeyey dabaqyada kala duwan ee dhismuhu ka kooban yahay oo haatan dhammaad ku dhow, isaga oo warbixin la xidhiidha shaqada dhismaha ka dhex socota ka dhegaystay agaasimaha guud ee madaxtooyada, Mudane Maxamed Cali Bile.

Wa-bilaahi Tawfiiq