Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo kulan Habka Maqalka Iyo Muuqaalka Ah La Yeeshay Wasiiru-dawlaha Horumarinta Iyo Arrimaha Afrika ee Dawladda UK

0
220

WAR-SAXAAFADEED.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo kulan  Habka Maqalka Iyo Muuqaalka Ah La Yeeshay Wasiiru-dawlaha Horumarinta Iyo Arrimaha Afrika ee Dawladda UK.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa kulan habka maqalka iyo muuqaalka ah (Video Conference) la yeeshay Wasiiru dawlaha horumarinta iyo Arrimaha Afrika ee Dawladda Uk, Andrew Mitchell, waxaana kulankaa lagaga wada hadlay xaaladda Magaalada Laascaanood iyo Arrimaha doorashooyinka Somaliland.

 

Ugu horrayn, Madaxweynaha Qaranka Somaliland waxa uu wasiirka uga xog warramay arrimaha xaaladda Laascaanood iyo halka ay Xukuumaddu ka taagan tahay, sidii xal nabadeed oo waara looga gaadhi lahaa, xukuumaddiisuna ay marwalba diyaar u tahay xabbad joojin bilaa shuruud ah, siday marmar hore ka dhawaajisay, dadka reer Somaliland ee Laascaanood-na ay ka heshiin doonaan marwalba wixii dhacay balse waxa muhiima oo ay tahay in beesha caalamku maamulka Puntland-Soomaaliya ku amraan inay ciidamadeeda kala baxdo gudaha Laascaanood iyo gudaha Xuduudka Somaliland, taas oo uu madxweynuhu u cadeeyey wasiirka inay caqabad iyo fidno ku tahay dedaallada xal u raadinta Laascaanood.

 

Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu ku wargeliyey Wasiiru-dawlaha in Ciidamada Maamul Gobolleedka Puntland ee Soomaaliya ee Laascaanood soo buux dhaafiyey ay ujeedadoodu tahay inay jeexaan xuduud qabyaaladeed, taasoo saamayn-doonta waddamo kale oo ka mida Afrika, Waxaanu intaas ku daray in ay Qaranka Somaliland ka go’an tahay inuu difaacdo Dalkiisa iyo xuduudihiisa, sida waddamada kale ee adduunka ay waajibka ugu tahay inay difaacdaan xuduudahooda.

 

Dhinaca kale, Madaxweynuhu waxa uu uga war-bixiyey wasiiru-dawlaha hawlaha doorashooyinka, isagoo u sheegay in ay xukuumaddu hore u diyaarisay wixii kharashaad kaga aaddanaa doorashooyinka, isla markaana ay hadda diyaarisay kharashkii lagu qaybin lahaa kaadhadhka cod-bixiyeyaasha oo sida la filayo bisha June horaanteeda  ay qaybin doonaan Komishanka Doorashooyinka Qaranku; Isla markaana xukuumaddu ay diyaar u tahay doorkeeda kaga aaddan doorashooyinka, gaar ahaan doorashooyinka loogu tartamayo xisbiyada Qaran ee tobanka sanno ee soo socda jiri doona iyo doorashada madaxtooyada.

 

Dhankiisa Wasiiru-dawlaha horumarinta caalamiga ah iyo Afrika ee Dawladda UK, Mr Andrew Mitchell, waxa uu xusay  in dawladda Ingiriisku ay diyaar u tahay inay Somaliland kala shaqayso doorashooyinka iyo xal u helidda arrimaha Laascaanood.

 

Ugu danbayntiina waxa kulankaasi lagaga wada hadlay iskaashiga dhinaca maalgashiga ee Somaliland iyo dawladda Ingiriiska, sidii looga wada shaqayn lahaa.

Waxaana Kulankaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Wasiirka Arrimaha Dibeda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Dr. Ciise Keyd Maxamuud

ALLAA MAHAD LEH

 

Naasir Yuusuf Daahir

Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada JSL.