Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Kulan La Qaatay Wefti Ka Socda Dalka Jarmalka + Sawiro

0
706

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Kulan La Qaatay Wefti Ka Socda Dalka Jarmalka

 

Hargeysa-08-04-2019-(MT-JSL)-WAR-SAXAAFADEED: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa kulan kula yeeshay wefti  ka socda dalka Jarmalka oo ay hoggaaminayso safiirka waddanka Jarmalka u fadhida Kenya Ambassador  Annett Günther, islamrkaana uu wehelinayo ku-xigeenkeedu, Mr. Markus Bollmohr.

 

Kulankan uu madaxweynuhu la yeeshay weftiga ka socda dalka Jarmalkaa oo ay ku wehelinayeen wasiirrada arrrimaha dibadda iyo iskaashiga  caalamiga ah, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed ayaa diiradda lagu saaray arrimo badan oo salka ku haya xidhiidhka labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Jarmalka ka dhexeeya.

 

Waxyaabaha kale ee kulankan lagaga hadlay, ayaa waxa kamid ahaa dardargelinta iyo kordhinta deeqaha uu jarmalku siiyo Somaliland, ka midho dhalinta mashaariicda horumarineed ee dawladda Jarmalku ka waddo gudaha Jamhuuriyadda  Somaliland ee ay kamidka yihiin waddooyinka iyo Biyuhu.

 

Arrimaha doorashooyinka, Dimuqraaddiyadda, xoojinta xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo Jarmalka, waxbarashada iyo  kalluumaysiga, ayaa iyaguna kamid ahaa waxyaabihii  laga  wada hadlay, waxana uu kulankaasi kusoo dhammaaday is fahan buuxa iyo guul.

 

ALLAA MAHAD LEH

 Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.