Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Lacago Guddoonsiiyey 988-Kii Qof Ee Ugu Hantida Hooseeyey  Ganacsatadii Xoolahoodu Ku Gubteen Suuqa  Waaheen + Sawiro

0
230

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Lacago Guddoonsiiyey 988-Kii Qof Ee Ugu Hantida Hooseeyey  Ganacsatadii Xoolahoodu Ku Gubteen Suuqa  Waaheen.

 

Hargeysa-16-04-2022-(MT-JSL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta daah-furay Barnaamuj ballaadhan oo Lacago loo qaybinayo dadkii ugu haynta hooseeyey ganacsatadii dhawaan hantidii ku gubatay dabkii suuqa Waaheen, si loo ganacsigoodii mar kale dib ugu bilaabaan.

Munaasibadda qaybinta lacagta oo lagu qabtay qasriga madaxtooyada oo ay madaxweynaha ku wehelinayeen madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), xubno kamid ah golaha wasiirrada, guddida ganacsatada suuqa Waaheen, ayey ujeeddadeedu ahayd in hawlgalka Ballaadhan ee dib loogu xoolaynayo dadkii hantidoodu ku waayey suuqa Waaheen lagu ibo furo ganacsatadii danyarta ahayd oo tiro koob lagu sameeyey, kuwaas oo ganacsigooda lagu qiimeeyey inta u dhaxaysa $73 ilaa $5,000 oo doollarka  Maraykanka ah.

Ugu horrayn waxa madasha ka hadlay guddoomiyaha rugta ganacsiga Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Jamaal Caydiid Ibraahim, waxana uu sheegay inay kala huf iyo u dhabbo-gal dheer kaddib soo xuleen 988-kii qof ee  ugu haynta hooseeyey ganacsatadii ay hantidoodu ku gubatay suuqa Waaheen, isaga oo xusay inuu madaxweynaha qaranku ku taliyey in dadkaas danyarta ah muhiimadda koowaad la siiyo kuwaas oo hayntooda hore lagu qiimeeyey inta u dhaxaysa $73,5,000 (Saddex iyo toddobaatan doollar ilaa iyo shan kun oo doollar).

Ku-xigeenka duqa Caasimadda Hargeysa, Mudane Khadar Axmed Cumar, ayaa isaguna bogaadiyey tallaabaddan uu madaxweynuhu hoggaaminayo ee qaadhaanka loo ururiyey suuqa Waaheen lagaga fuudh yeelay dadkii danyarta ahaa ee suuqa ku ganacsan jirey, kuwaas oo maanta noqday ciddii ugu horraysay ee Lacago la guddoonsiiyo si ay ganacsigoodii dib ugu bilaabaan.

Xubno ku hadlay magaca dadka danyarta ah ee maanta lacagaha  la guddoonsiiyey, ayaa madaxweynaha qaranka iyo xukuumaddaba ku ammaanay tallaabada ay lacagaha ku siisay, kagana dhigtay cidda ugu horraysa ee Lacago ay ganacsigoodii dib ugu bilaabaan la guddoonsiiyey.

Wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, ahna guddoomiyaha guddida gurmadka iyo taakulaynta suuqa Waaheen oo madasha hadallo ka jeediyey, ayaa ku dheeraaday dedaalladii ay guddi ahaan ka sameeyeen sidii loo sugi lahaa  tirada dadkii suuqa Waaheen ku ganacsan jirey, sida ay u kala jeeb roonaayeen iyo sidii ay u heli lahaayeen suuq ku-meel-gaadh ah oo ay ganacsigooda kusii wadan karaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda soo Afmeeray, ayaa ugu horrayn guddida gurmadka iyo taakulaynta suuqa Waaheen ku ammaanay sida xilkasnimada leh ee ay hawsha qaran ee loo igmaday u wadaan, waxana uu guud ahaanba shacabka reer Somaliland ugu baaqay inay guddida la shaqeeyaan, wixii gurmad ah ee la ururinayona ay kusoo shubaan Akoonnada ay guddidu gacanta ku hayso, kana dheeraadaan wax kasta oo kala tafaraaruq ah xilligan adag ee lagu jiro.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa caddeeyey in guddida iyo xukuumadda oo is kaashanayaa isla qaateen in wejiga koowaad ee qaadhaan qaybinta muhiimad gaar ah la siiyo ganacsatadii ugu jeebka yarayd suuqa Waaheen, iyada oo kuwooda qiimaha hantidoodu ka hoosaysay Boqolka Doollar la siinayo Shan Boqol oo Doollar, waxana uu yidhi,“Go’aankii aynnu isla qaadanay wuxuu ahaa dadka wixii hantidoodu shan kun ka yarayd waxoodii oo dhan aynu u celino, wixii Boqol Doollar ka yarna aynu Shan Boqol oo Doollar wada siinno, waayo waa lacag ummaddu soo ururisay, waxana waajib ah in horta kuwa liita laga daryeello, maantana taasaynu fulin doonaa”

Lacagta maanta la qaybiyey waxa uu cadadkeedu dhamma $1,872,511 (Hal milyan siddeed Boqol, laba iyo toddobaatan kun, shan Boqol iyo kow iyo toban) Doollar, iyada oo 988-ka qof ee lasoo xulay 30-kamid ah uu madaxweynuhu gacantiisa ku siiyey, halka inta soo hadhayna iyo guddoomiyaha Baanka dhexe madaxweynaha hortiisa  habka Electarooniga ah ugu diray.

Wa-bilaahi Tawfiiq