Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Mawjado Taageerayaal ah kula dabbaaldegay Fagaaraha Beerta xorriyadda Hargeysa

0
3
default
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Mawjado Taageerayaal ah kula dabbaaldegay Fagaaraha Beerta xorriyadda Hargeysa
Hargeysa-28-10-2024-(MT-JSL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna murrashaxa jagada mamdaxweyne ee xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa mawjado taageerayaal ah maalinta koowaad ee ololaha KULMIYE, kula dabbaaldegay fagaaraha Beerta xorriyadda Hargeysa.
Kummannaan iyo Kumannaan katirsan taageerayaasha xamaasadda badan ee xisbiga KULMIYE, islamarkaana ku lebbisan calanka muuqa dheer ee xisbiga iyo midka jamhuuriyadda Somaliland, ayaa saaka subaxii hore isugu soo baxay fagaaraha beerta xorriyadda Hargeysa, waxana ay muujiyeen cududdooda taageero iyo u heellanaanta madaxweynaha qaranka, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo haatanna ah murrashax markiisii labaad u taagan jagada hoggaaminta dalka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ay wehelinayaan xildhibaanno, wasiirro, xubnaha guddida ololaha xisbiga KULMIYE u qaabilsan gobolka Maroodi-jeex iyo haldoor kale oo xisbiga KULMIYE katirsan, ayaa soo galay fagaaraha beerta xorriyadda oo ilyartu is qabatay, waxana halkaas kusoo dhaweeyey taageerayaasha KULMIYE oo ay ka muuqatay taageerada ay u hayaan xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiintiisa.
Ugu horray, waxana halkaas ka hadlay, madaxa ololaha xisbiga KULMIYE ee gobolka Maroodi-jeex, Mudane Mustafe Qodax oo halkaasi ka hadlay, ayaa u mahadnaqay taageerayaashax xisbiga KULMIYE, waxana uu ugu baaqay in sida ay maanta u muujiyeen taageeradooda ay maalinta codayntana ugu hagar baxaan bixinta codadkooda.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa la hadlay taageerayaasha reer KULMIYE, ayaa uga mahadnaqay muujinta cududdooda, waxana uu hoosta ka xarriiqay in xamaasadda iyo is muujintaba lagu yaqaanno reer KULMIYE.

default
default

default
default
default
default
default
default
default
Wa-bilaahi Tawfiiq