Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Safar Dhanka Cirka ah Ku Tegay Burco Kumanaan Taageerayaal ahna kala hadlay Fagaaraha Kheyriyada Burco.

0
27
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Safar Dhanka Cirka ah Ku Tegay Burco Kumanaan Taageerayaal ahna kala hadlay Fagaaraha Kheyriyada Burco.
Burco-28-10-2024-(MT-JSL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ahna murrashaxa jagada madaxweyne ee xisbiga KULMIYE oo ku guda-jira ololaha maalintii koobaad ee Xisbiga KULMIYE ayaa safar dhanka cirka ah ku tegay magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer halkaasi oo Madaxweynaha si ballaadhan loogu soo dhaweeyey fagaaraha khayriyada ee Burco. Kumanaan ka mid ah taageerayaasha KULMIYE ayuu madaxweynuhu kala hadlay fagaaraha.
Ugu horrayn, waxana halkaas ka hadlay masuuliyiin ay ka mid yihiin guddoomiyaha ololaha Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Togdheer, Maxamed Yuusuf Cabdiraxmaan (Muraad) Badhasaabka Gobolka Togdheer, Jaamac Cabdilaahi Biin, Xildhibaan Cabdinaasir Yuusuf Qodax, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Siciid Sulub Maxamed, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ahna Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE , Maxamed Kaahin Axmed, waxay dhammaantood taageerayaasha uga mahad celiyeen muujinta taageerada baaxada leh ee ay u muujiyeen Xisbia KULMIYIE, sidoo kalena waxa ay ugu baaqeen in sidaa ay maanta u muujiyeen taageeradooda ay maalinta codayntana ugu hagar baxaan Xisbigooda.
Ugu Danbayntiina Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo la hadlay taageerayaasha Xisbiga KULMIYE eek u sugnaa Fagaaraha Kheyriyada Burco ayaa uga mahadnaqay muujinta cududdooda ballaadhan islamarkaana hoosta ka xarriiqay in xamaasadda iyo is muujintu ay tahay mid lagu yaqaanno Taageerayaasha reer KULMIYE.
Wa-bilaahi Tawfiiq