Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Qaabilay Muwaadin Hindisay Astaanta Qaranka Somaliland Oo Ka Samaysayn Bir + Sawiro

0
1048

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Qaabilay Muwaadin Hindisay Astaanta Qaranka Somaliland Oo Ka Samaysayn Bir

 

Hargeysa-21-01-2019-(MT-JSL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa  xafiiskiisa ku qaabilay muwaadin Fu’aad Cabdiraxmaan Diiriye oo si farshaxamaysan gacantiisa ku farsameeyey astaanta Jamhuuriyadda  Somaliland oo ka samaysan bir.

 

Madaxweynuhu waxa uu muwaadin Fu’aad Cabdiraxmaan Diiriye ku bogaadiyey sida uu xilka iskaga saaray inuu farsameeyo astaanta qaranka, isaga oo ku dhiirrigeliyey inuu sii wado dedaalkiisa siina horumariyo fikirka cusub ee uu la yimi.

 

Waxaanu madaxweynuhu u muujiyey muwaadinkaas in uu isaga iyo inta la midka ahba ee la timaada hal abuur la barbar taagan yahay dhiirrigelinta afkaarta cusub ee ay la yimaaddaan muwaadiniinta qaranka Somaliland u dhashay ee maskaxdooda tuujiya.