Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Shacabka Ku Hambalyeeyey Curashada Bisha Barakaysan Ee Rammadaan

0
265

DHAMBAAL MADAXWEYNE
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Shacabka Ku Hambalyeeyey Curashada Bisha Barakaysan Ee Rammadaan.

Hargeysa-22-03-2023-(MT-JSL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu guud ahaan Ummadda Islaamka, gaar ahaanna Shacabka Somaliland meel ay joogaanba ku hambalyeynayaa curashada Bisha Barakaysan ee Rammadaan oo caawa bilatay, kuna beegan 01- Rammaadan ee sannadka 1444, Hijriyada Islaamka.

Madaxweynuhu waxa uu Dadka, Dalalka Islaamka iyo Dad-weynaha Somaliland-ba u rajaynayaa inuu Eebbe ku sugo khayraadka iyo xasanaadka bishan barakaysani ay xambaarsan tahay, waxaannu u rajaynayaa inuu wanaag, khayr, bash-bash iyo barwaaqo ku gaadhsiiyo bishan bisheeda, acmaashooda suubanna Eebe ugu beddelo dambi-dhaaf iyo naxariis.

Ugu dambayntii, Madaxweynaha Qaranka Somaliland waxa uu Ummadda Reer Somaliland ku baraarujinayaa qiimaha weyn ee ay bishani u leedahay Ummadda Islaamka ah, kana faa’iidaystaan khayrka Bishan Rammadaan, kuna dadaalaan cibaadada iyo sadaqada, isla-markaana ay noqdaan kuwo dhexdooda ay gasho muxubo, is-jacayl iyo is-cafin, kana fogaadaan wax kasta oo abuuraya nac iyo xumaan.

ALLAA MAHAD LEH
Naasir Yuusuf Daahir
Agaasimaha Saxaafadda iyo Warbaahinta Madaxtooyada JSL.