Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Shacabka Ku Hambalyeeyey Munaasibada Ciidal Fidriga Awgeed

0
362

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Shacabka Ku Hambalyeeyey Munaasibada Ciidal Fidriga Awgeed

Hargeysa-12-05-2021-(MT-JSL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu Ciidal Fidriga awgeed dhammaal hambalyo ah u dirayaa Shacbiga Somaliland meel ay joogaanba iyo guud ahaan shucuubta Islaamka.

Madaxweynaha oo ka hadlay maalintan qaaliga ah ayaa yidhi “Ilaahay baa mahad leh nimcooyinka badan ee caafimaadku kow ka yahay, nabada, roobka iyo barwaaqada, fadliga ramadaan, ilaahaybaa ku mahad leh, waxaan dhammaan hambalyo iyo salaan u dirayaa ummadda islaamka ah meel ay joogtaba, gaar ahaan ummadda Somaliland, gude iyo dibed waxaan u dirayaa salaan iyo hambalyo, waxaanan ilaahay uga rajaynayaa sannadkaa sannadkiisa inay barwaaqo iyo bash-bash iyo caafimaad ku ciidaan oo ilaahay caafimaad inagu wada gaadhsiiyo iyo horumar, ramadaantu waxay ku soo hagaagtay sannadkan roob, qabaw iyo barwaaqo dalkuna nabad yahay”.

Madaxweynaha oo ku guda jira dhambaalkiisa hambalyada ah ayaa yidhi “Ramadaanta waxa inoogu xiga oo iyana soo socota 18 May oo maalintii qarannimada Somaliland oo shan cisho ka danbayn doonta haddii Alle yidhaahdo, waxa ku xigidoona 18-ka, haddana doorashadii oo ilaa hadda ku qotonta inay qabsoonto 31-May bishan aynu ku jirno, arrimahaasa isu keen dabayaala, waxa ku sii xiga 26-June, waxa weeyaan arrimo wada muhiim ah, dabaal-deg, xus, cibaado iyo farxad ah oo ciid ah, waa ilaahay mahadii intaa isku xigtaa, si ilaahay ciidahaa iyo doorashooyinkaa isdaba-jooga ahi inoogu qabsoomaan nabad, qof walba oo muwaadina oo Somaliland ah, waxa ku waajib ah in uu ilaaliyo dalkiisa, nabadiisa, dadkiisa inay si nabad ah oo barwaaqo ah oo caafimaada caruurtiisa iyo ciroolihiisu ku ciidaan”.

Waxaanu madaxweynuhu si gaara hoosta uga xariiqay cadawga Somaliland waxaanu yidhi “Somaliland cadaw badan ayey leedahay oo aan jeclayn horumarkeeda iyo nabadeeda iyo wada jirkeeda, waxaan ku dardaarayaa dhammaan muwaadiniintu inay meel uga soo wada jeedaan wixii inaga khal-khalinaaya horumarkeena, nabadeena, walaaltinimadeena, maalmahaa ciida, tan fidriga, tan 18-ka, ta doorashada, ta 26-June, waxay isku wada xigaan”.

Ugu danbayntiina madaxweynuhu waxa uu ka hadlay xanuunka covid 19, waxaanu yidhi “xanuunka covid 19 oo sannadkan sidii kal hore ka cuslaa, ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyee dad badana inaga dilay oo dad badani ku dhinteen, in badana uu dhibaatooyin caafimaad u geystay isagana waxa aynu ilaahay ka rajaynaynaa inuu inaga dulqaado oo caafimaad inoogu bedelo, hadda sidii hore uu ka sahlan yahay hoos buu u socda isagana ilaahay ha inaga kaxeeyo. Waxaan ku soo koobayaa hambalyo, nabadaa iyo horumarkaa iyo wada-jirkaa ha inoogu wado, sannadkan sannadkiisana horumar intan ka ballaadhan iyo barwaaqo ha inagu gaadhsiiyo”
Wa-salaamu Calaykum wa-raxmatulaahi wa-barakaatu