Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Shacbiga iyo Eheladii uu ka baxay Marxuum Sheekh Cali Warsame Tacsi u diray 

0
358

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Shacbiga iyo Eheladii uu ka baxay Marxuum Sheekh Cali Warsame Tacsi u diray

TACSI MADAXWEYNE: 28/05/2022

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, culimada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Sheekh Cali Warsame Xasan oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu tahay 28/05/2022, dalka Urdun

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey sheekh caalim ah oo ka baxay dalka iyo dadka, muddo dheerna wax soo barayey bulsho badan, kana aflaxeen kumanaan Culimo ahi, isagoo ka mid ahaa culimada waa weyn ee dalka.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, culimada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH

 Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL.