Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo shacbiga ka Tacsiyadeeyey Geerida Marxuum Maxamed Cali Shire oo ku geeriyooday Magaalada Hargeysa

0
573

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo shacbiga ka Tacsiyadeeyey Geerida Marxuum Maxamed Cali Shire oo ku geeriyooday Magaalada Hargeysa

TACSI MADAXWEYNE: 26/04/2021

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waayeelka, waxgaradka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Cali Shire oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 26/04/2021, Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey siyaasi ruug-cadaaya oo ka baxay dalka iyo dadka door muhiimana ka soo qaatay nabadayntii shacbiga ku wada dhaqan Jamhuuriyadda Somaliland iyo dib u dhiskii dalka, marxuumka oo ka mid ahaa shantii golaha sare ee dawladdii duntay ee la isku odhan Soomaaliya.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH

Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL.