Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, oo wareegto Madaxweyne xilkii kaga qaaday wakiilkii Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiyey Dalka Ethiopia, kuna magacaabay wakiil Cusub.

0
36

Wareegto Madaxweyne 

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 22/04/2024 uu wareegto Madaxweyne uu xilkii kaga qaaday wakiilkii Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiyey Dalka Ethiopia, kuna magacaabay wakiil Cusub.

 

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

 

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis.

 

Ku: Cumar Cali Cabdillaahi Bade

        Wakiilkii Jamhuuriyadda Somaliland ee Dalka Itoobiya.

 

Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalmiga ah  

 

Mudane,

 

Waxaan go’aamiyey in  laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad u haysay Qaranka. Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay Xilka Qaranka.

 

Ujeeddo: Magacaabid. 

 

Markaan Arkay:           Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markaan Arkay:           Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waayo-aragnimadiisa;

 

Markaan ku Qancay:   In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

 

Markaan Sameeyey:    La-tashi;

 

Waxaan Go’aamiyey;

 

In Aadan Geeddi Qayaad Cabdi laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland ee Dalka Itoobiya.

 

 

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland