Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo xadhigga ka jaray Agab cusub oo loo keenay ciidanka Dad-demiska Qaranka.

0
60

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo xadhigga ka jaray Agab cusub oo loo keenay ciidanka Dad-demiska Qaranka.

 

Hargeysa-12-05-2024-(MT-JSL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xadhigga ka jaray agab cusub oo loo keenay ciidanka dab-demiska qaranka, kaas oo wax weyn ka tari doona hawlaha la dagaallanka dabka ee ay bulshada u hayaan.

 

Taliyaha ciidanka dab-demiska, sarreeye guuto Axmed Maxamed Xasan (Sawaaxili), ayaa madaxweynaha kusoo dhaweeyey xarunta dabdemiska, waxana uu halkaas salaan sharafeed kaga qaatay cutubyo katirsan ciidanka dabdemiska oo xarunta heegan ku ahaa.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa kormeeray qaybaha kala duwan ee ay ka kooban tahay xarunta ciidanka dabdemisku, isaga oo u kuurgalay hannaanka ay halkaas uga socoto shaqada bulshada loo hayo,  isaga oo xadhigga ka jaray agab cusub oo loo soo kordhiyey ciidanka dab-demiska.

 

Taliyaha ciidanka Dab-demiska, Sarreeye guuto Axmed Maxamed Sawaaxili, ayaa madaxweynaha u sharraxay noocyada agabka kala duwan ee maanta la daah-furay, waxana uu xusay in agabkani sare u qaadi doono adeegyadii ay ciidan ahaan bulshada u hayaan.

 

Taliyaha ciidanka Booliska, Sarreeye gaas Maxamed Aadan Saqadhi (Daba-gale) oo halkaas ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey horumarka ay ciidanka dab-demisku sameeyeen, waxana uu ku adkeeyey inay sii wadaan dedaalkooda.

 

Wasiirrada wasaaradaha arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed iyo Xannaanada Xoolaha, Mudane Siciid Sulub Maxamed, ayaa iyaguna dhankooda bogaadiyey agabka cusub ee loo keenay ciidanka dabdemiska, iyaga oo si weyn u ammaanay hoggaanka ciidanka.

 

 

Badhasaabka gobolka Maroodi-jeex, Mudane Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro), maayar-ku-xigeenka caasimadda Hargeysa, Mudane Khadar Axmed Cumar iyo La taliyaha Madaxweynaha, Mudane Cali Maxamed Waran-cadde oo hadalka u kala dambeeyey ayaa guul weyn ku tilaamay inay ciidanka dab-demisku helaan agab casri ah oo gudashada waajibkooda u fududaynaya.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa hambalyeeyey ciidanka dab-demiska iyo taliskoodaba, isaga oo ammaanay nidaamka hufan ee taliyaha ciidanku ka hirgeliyey gudaha ciidanka iyo sida uu ugu hagar baxay inay helaan agab ay hawshooda ku qabsadaan.

 

Dhinaca kale, ciidamada dab-demiska Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa maanta u dabbaal-degay sannad-guuradii 10-aad ee kasoo wareegta Aas-aaskooda, waxana ay kamid yihiin hay’adaha qarankani leeyahay ee muddadii ay jireen sida weyn u anfacay bulshada, naf iyo maal badan oo bulshadu lahaydna badbaadiyey.

Wa-bilaahi Tawfiiq