Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo xadhigga ka jaray Dhaam-biyood weyn oo xukuumaddu ka hirgelisay deegaanka Dhimbiriyaale

0
46

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo xadhigga ka jaray Dhaam-biyood weyn oo xukuumaddu ka hirgelisay deegaanka Dhimbiriyaale.

 

Hargeysa-31-10-2024-(MT-JSL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xadhigga ka jaray Dhaam-biyood weyn oo xukuumaddu ka hirgelisay deegaanka Dhimbiriyaaale oo katirsan degmada Sallaxley.

 

Ugu horrayn, qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan deegaanka, ayaa madaxweynaha si weyn halkaas ugu soo dhaweeyey, waxana ay muujiyeen sida ay u taageersan yihiin xukuumadda uu hoggaamiyo oo wax qabad ballaadhan ka hirgelisay deegaannadaas.

 

Munaasibad kooban oo loo qabtay xadhig-ka-jarka Dhaam-biyoodkan waxa madaxweynaha kala qaybgalay xubno kamid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno, xubno kamid ah hoggaanka xisbiga KULMIYE, madax-dhaqameed, siyaasiyiin iyo haldoor kale, iyada laga jeediyey hadallo loogu mahadnaqayo xukuumadda iyo dedaallada ay ka geysatay horumarinta deegaannadaas.

 

Madaxda deegaanka Dhimbiriyaale, cuqaal, siyaasiyiin, xildhibaanno iyo haldoor kale oo halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday muhiimadda uu bulshada u leeyahay Dhaam-biyoodkan cusubi, waxana ay hoosta ka xarriiqeen inuu meesha ka saaray baahidii dhinaca biyaha ahayd ee deegaankaas ka taagnayd.

 

Xildhibaan Oday Xaaji Cabdi-waraabe, xildhibaan Cabdinaasir Yuusuf Cismaan Qodax, Maareeyaha hay’adda Duulista madaaradda, Mudane  Cumar Cabdilaahi Aadan, guddoomiye-ku-xigeenka guddida qandaraasyada qaranka, Mudane Cabdicasiis Cagoweyne iyo badhasaabka gobolka Maroodi-jeex, Mudane Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro) oo halkaas ka hadlay, ayaa dhankooda ka mahadnaqay dedaalka ay xukuumaddu gelisay sidii bulshada reer Dhimbiriyaale u heli lahayd biyo ku filan oo ay kaga raystaan biyo la’aantii muddada dheer haysatay, iyaga oo xusay in dhammaanba dhinacyada caafimaadka iyo waxbarashadaba xukuumaddu u hagar baxday deegaankaas.

 

Wasiirrada qorshaynta iyo horumarinta qaranka, Mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) iyo horumarinta Biyaha, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali-koore oo munaasibadda ka hadlay, ayaa si isku mid ah ugu dheeraaday qiimaha uu dhaamkani ugu fadhiyo bulshada deegaankaas iyo sida ay xukuumaddu xilka iskaga saartay in dhinaca biyaha laga baahi tiro dadka reer   Dhimbiriyaale oo baahi weyn u qabay biyahaas.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ugu horrayn shacabka deegaanka uga mahadnaqay sida qiimaha leh ee ay usoo dhaweeyeen, waxana uu sheegay inay xukuumad ahaan waqti badan geliyeen helitaanka biyo ay dadka iyo duunyadu Oonka kaga baxaan, maaddaama oo ay deegaannadaasi yihiin kuwo Oomane ah.

 

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu xusay in siyaasadda xukuumaddiisa ay safaka hore kaga jirto in goobaha Oomanaha ah laga hirgeliyo dhaam-biyoodyo waaweyn oo la manafacaadsado, islamarkaana ay meelo badan oo dalka ah ka hirgeliyeen dhaamamkaas.

Wa-bilaahi Tawfiiq