Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Xisbiga Waddani ka guddoomay Beddelka Xubintii Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland

0
427
WAR-SAXAAFADEED: 07/06/2022.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Xisbiga Waddani ka guddoomay Beddelka Xubintii Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta oo Salaasa ah, taariikhduna tahay 07/06/2022 uu Xisbiga Waddani ka guddoomay warqad summaddeedu yahay TIX/XIS/WAD/XDH/2885/2022, kuna taariikhaysan 07/06/2022, ujeeddadeeduna tahay: Magacaabista Xubinta Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee Xisbiga WADDANI.
Madaxweynaha Jamhuuriyaddu waxa uu uga mahad-celinayaa Xisbiga WADDANI sida dhakhsaha leh ee ay u soo magacaabeen xubintooda cusub ee Komishinka Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxaanu Madaxweynuhu codsi u gudbinayaa in Hay’adaha kale ee Qaranka ee xubnaha ku leh magacaabista Xubnaha Komishinka Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland inay sida ugu dhakhsaha badan u soo gudbiyaan xubinta ama xubnahooda si loogu gudbo wajiga xiga.
ALLAA MAHAD LEH
Naasir Yuusuf Daahir
Agaasimaha Saxaafadda iyo Warbaahinta Madaxtooyada JSL.