Madaxweynaha Jmahuuriyadda Somaliland oo Shacbiga iyo Eheladii uu ka baxay Marxuum Mooge Cali Yuusuf tacsi u diray

0
299

Madaxweynaha Jmahuuriyadda Somaliland oo Shacbiga iyo Eheladii uu ka baxay Marxuum Mooge Cali Yuusuf tacsi u diray
TACSI MADAXWEYNE: 15/01/2023
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Mooge Cali Yuusuf oo ku geeriyooday Xalay oo ay taariikhdu ahayd 15/01/2023, Dalka Ethiopia.
Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey oday ka baxay dalka iyo dadka, door muhiimana ka soo qaatay nabadayntii shacbiga Somaliland iyo Dib u dhiskii Dalka.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH
Naasir Yuusuf Daahir
Agaasimaha Saxaafadda iyo Warbaahinta Madaxtooyada JSL.