Madaxweynaha JSL Oo magacaabay Xubnaha Komishanka Xuquuqul Insaanka Qaranka Akhri Liiska Xubnaha 

0
729

Madaxweynaha JSL Oo magacaabay Xubnaha Komishanka Xuquuqul Insaanka Qaranka Akhri Liiska Xubnaha

Hargeysa(MT-JSL) WAR-SAXAAFADEED: 03 /07/2018-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-156/072018, ku magacaabay Xubnaha Komishanka Xuquuqul Insaanka Qaranka.

 

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

 

Markaan Arkay:                  Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

 

Markaan Arkay:                  Xeerka Komishanka Xuquuqul Aadamah, Xeer Lr. 39/2010;

 

Markaan Helay:                   Qoraalka Guddida Xulista Xubnaha Komishanka Xuquuqul Aadamaha;

 

Markaan Tixgeliyey:          Ahmiyadda Komishanka Xuquuqul Aadamuhu u leedahay Dhismaha, Sumcaddda iyo Horumarka Qaranka;

 

Markaan Sameeyey:           La-tashi Ballaadhan;

 

Waxaan Go’aamiyey;

 

In laga bilaabo taariikhda maanta aan u magacaabo xubnaha magacyadoodu hoos ku xusan yihiin in ay noqdaan Xubnaha Komishanka Xuquuqul Insaanka Qaranka:

 

Tir. Magaca Xilka
1. Maxamed Baaruud Cali Xubin
2. Rooda Axmed Yaasiin Xubin
3. Muuse Cismaan Warsame Xubin
4. Saleebaan Warsame Guuleed Xubin
5. Waris Abshir Xaaji Diiriye Xubin
6. Cumar Maxamuud Xuseen Xubin
7. Cabdirashiid Siciid Cindi Xubin

 

 

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland