Madaxweynaha JSL oo Tacsi u diray Shacbiga Somaliland iyo Wasiirka Warfaafinta  

0
421

Madaxweynaha JSL oo Tacsi u diray Shacbiga Somaliland iyo Wasiirka Warfaafinta

TACSI MADAXWEYNE: 17/02/2022

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Yuusuf Cali Koore oo ku geeriyooday Saaka oo ay taariikhdu ahayd 17/02/2022, caasimada Somaliland ee Hargeysa.

 

Waxaanu Madaxweynuhu si gaara uga tacsiyadaynayaa geeridaasi Wasiirka Warfaafinta Wacyigelinta iyo Dhaqanka Somaliland iyo dhammaan qoyska Reer Cali Koore ee uu ka baxay Marxuumku.

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

ALLAA MAHAD LEH

Warbaahinta Madaxtooyada JSL.