Madaxweynaha oo ka tacsiyadeeyey Ciidanka Booliska Somaliland iyo qoyskii uu baxay Taliyihii Ciidanka Booliska ee Degmada Abdaal Laba Xidigle Cabdile Cabdi Dhimbiil oo shil gaadhi ku geeriyooday

0
744

Madaxweynaha oo ka tacsiyadeeyey Ciidanka Booliska Somaliland iyo qoyskii uu baxay Taliyihii Ciidanka Booliska ee Degmada Abdaal Laba Xidigle Cabdile Cabdi Dhimbiil oo shil gaadhi ku geeriyooday

 INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

 Hargeysa-11/09/2018-(MT-JSL)-TACSI MADAXWEYNE-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane. Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, Ciidamada Qaranka Somaliland, gaar ahaan ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay  Alle ha u naxariistee Taliyihii Ciidanka Booliska Degmada Abdaal ee Gobolka Saaxil, Marxuum Laba Xidigle Cabdile Cabdi Dhimbiil oo ku geeriyooday Maanta oo ay taariikhdu tahay 11/09/2018, Shil Baabuur.

 

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu caafimaad Alle uga baryayaa inuu siiyo askartii la socotay marxuumka ee ku dhaawacan tahay shilkaa baabuur, oo ay gacanta ku hayaan xaaladooda hawl-wadeenada caafimaadku.

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Ciidamada Qaranka Somaliland, gaar ahaan ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

Aamiin Aamiin Aamiin

 Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.