Madaxweynaha oo shacbiga iyo ehaladii u ka baxay Marxuum Yuusuf Muxumed Shidle tacsi u diray 

0
617

Madaxweynaha oo shacbiga iyo ehaladii u ka baxay Marxuum Yuusuf Muxumed Shidle tacsi u diray

TACSI MADAXWEYNE: 03/03/2019
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Yuusuf Muxumed Shidle oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu ahayd 02/03/2019, Magaalada Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday ka baxay shacbiga Somaliland door muhiimana ka soo qaatay nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.